Hey'ada Nabad Sugida Qaranka oo ka war bixisay howlgalo ay sameeyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee DKMG
Views:81 | Monday, April 30th, 2012 | By SOMALIRADIO

Muqdisho-Somalia:- Hey'ada Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya ayaa waxa ay faah faahin ka bixisay howlgalo ay sameeyeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Dowlada Soomaaliya 

Agaasimaha Hey'ada Qaranka Axmed macalin Fiqi ayaa sheegay inay wadeen Olole balaaran oo ay ku xaqiijinayeen amaanka magaalada degmooyin ka tirsan  isagoo qiray inay ka sameeyeen hormar la taaban karo.

'' Waxaan wadnay maalmahan Olole lagu xaqiijinayo amaanka Caasimada Muqdisho, magaalada sida aad ka war qabtaan waxa ay soo jiidatay indhaha caalamka, marka anagana waxaan xaqiijineynay amaanka magaalada oo ay imaanayaan Ajaaniib badan, hadaan nahay laamaha amaanka iyo Dowlada hada jirto waxaan gacan ku dhignay amaanka Muqdisho inta badan '' waxaa yiri Agaasimaha Hey'ada Nabad Sugida Qaranka Axmed Fiqi.

Axmed Macalin Fiqi ayaa waxa oo ka qeyb galay Barnaamij ay su'aalo ku weydiinayay Shacaabka soomaaliyeed kana baxayay Radio Muqdisho ayaa xusay inay hada wadaan qorshayaal cusub oo dhanka amaanaka ah, isago sheegay inay ka qeyb qaadanayan dhamaan Gudoomiyiyaasha degmooyinka Muqdisho iyo taliyayaasha Booliiska Somaaliyeeed.

Agaasimaha waxa uu xusay in Bisha May ay si gaar ah u xaqiijinyaan amaanka maadama ay bilaabaneyso ansixinta Dastuurka cusub, isagoo shaaca ka qaaday in ciidamada har iyo habeenba ay shaqeyn doonaan si ay ugutaan waajibaadkooda qaran.

Muqdisho ayaa hada waxaa ka howlgala Ciidamo si gaar ah u tababaran kuwaasoo wata Hubka casriga ah inadhahana u xiran yihiin, waxaana magacooda la dhaha Alfa Group, waana ciidamo hada sugaya amaanka guud ee magaalad Muqdisho.

 

 

 

Xafiiska wararka Somaliradio.net  Muqdisho-Somalia

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012