Dagaal faraha looga gubtay oo xalay ka dhacay magaalada Baledweyne
Views:78 | Monday, May 7th, 2012 | By SOMALIRADIO

Baledweyne-Somalia:- Waraka ka imaanaya magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay uu ka dhacay dagaal aad u culus kaasoo la isku adeegsaday Hubka Culus iyo midka fudud.

Dagaalka oo u dhexeeya Alshabaab iyo DKMG iyo Itoobiya oo dhanka kale ah ayaa bilwoday kadib marki Shabaab ay weerar ku soo qaadeen Fariisimo ay lahaayeen ciidamada huwanta ah xaafada Howl;-Wadaag , wuxuuna weerarki isku badalay dagaal soconayay saacado.

Dadka magalada ku nool ayaa ku toosay hugunka madaafiicda iyo xabadaha fudud, waxaana dagaalka uu ahaa mid dadka qal qal galiyay maadaama ay xiligaas jiifen.

Dagaalka ayaan wali la ogeyn khasaaraha uu geystay iyadoo uu bilowday xili habeen ah, balse dadka ku nool magalada oo aan kula xiriirnay khadka Telfoonka ayaa sheegeen inay jiraan dhaawacyo soo gaaray dhinacyadii dagalamayay, inkastoo ay ka gaabsadeen inay jiraan dhaawacyo soo gaaray dadka rayidka ah maadaama ay xiligu ahaa habeen dadka inta badana ay ku sugnaayeen Gurayahooda.

Mid kamid ah Saraakiisha Dowlada Soomaaliya ee Gobolka Hiiraan ayaa shaaca ka qaaday inay dileen Afar Dagaalyahan oo ka tirsan Shabaabul Mujaahidiin, waxaana uu sheegay inay jhiraan khasaaro intaas ka badan oo ay u geysteen Shabaabki soo weeraray.

Dhanka Shabaab wali wax war ah kama soo bixin oo ku saabsan dagaalka ay xalay ku qaadeen fariisimo ay lahaayeen ciidamada huwanta, waxaana jira in Shabaab ay wali ka hari la'yihiin deegaanada laga qabsaday sanadkaan gudihiisa.

Saaka Baledweyne way ka badalan tahay sidii hore waxaa jira baaritaano ay wadaan ciidamada DKMG kuwaasoo baaraya xaafadaha qaar, waxaa kaloo jira xaalad yar oo u muuqata inay tahay Bandow.

 

Wixi warar ah kala soco wararka dambe 

 

 

Xafiiska wararka Somaliradio.net Baledweyne Somalia

 

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012