Xaflad dhalashada Khaatumo State oo ka dhacday wadanka Swizerlan
Views:94 | Tuesday, May 8th, 2012 | By somaliradio
Geneva-Swizerland:- Xaflad sin heer sare ah loo soo abaabulay oo lagu taageerayay dhalashada maamul goboleedka Khaatumo State Of Somalia ayaa waxa ay ka dhacday magaalada Geneva ee dalka Swizerland.
Xafladaan oo uu Aayadaha Qur’aanka Kariimka ku furay Sheikh Cabdilaahi Cabdi Caateeb oo Gudoomiyaha Jaaliyada Soomaaliyed ee Dalka France, ayaa waxaa ka soo qeyb galay Safiiro ka tirsan Dowlada Kmg ee Soomaaliya, Wasiro Ka socday Maamulada Khaatumo State iyo Awdal State, Madaxda Jaaliyadaha Somalida ee ku Nool Dalkan Switzerland iyo Qaar ka Tirsan Jaaliyadaha Reer Khaatumo ee Qaarada Yurub , waxaana Dhanka Madadaalada ka qeyb qaadanayay Fanaaniin Soomaaliyeed oo ay ka dhex muuqdeen Samatar Xasan Samj,Cabdifataax Beyloot iyo Fanaaniin kale.
Xaflad waxaa furay Gudoomiyaha Jaaliyada reer Khaatumo ee Switzerland Yaasiin Cabdiraxmaan, Waxaana Xiriiriye ka ahaa Cali Sugale oo isna ka mid Mas’uuliyiinta Sar Sare ee Jaaliyada Khaatumo ee Dalkan Switzerland.
Waxaana Halkaasi Qudbado ka soo jeediyay Safiirka Somalia u fadhiyo Dalka France Siciid Maxamed Dheere, Safiirka Dowlada Kmg ee Somaaliya u fadhiyo Magaalada Geneve Yuusuf Maxamed ismaciil Yuusuf Bari Bari, Wasiir Ku Xigeenka Arimaha Bulshada Khaatumo State Aasiya Faarax Xasan, Wasiir Ku-xigeenka Qorsheynta ee Maamulka Awdal State Cabdirashiid Cabdullahi Iidle, Aqoonyahan Cusmaan Xaaji Xasan ( Cusmaan Badawi) iyo Qaar ka tirsan Hogaanada Jaaliyadaha Soomaalida ee Dalkan Switzerland.




