Lamanayaal Barakacayaal oo ku aqal galay Mid ka mid ah Xeryaha qaxootiga Magaalada Muqdisho (Sawirro)
Views:127 | Friday, May 11th, 2012 | By SOMALIRADIO

Muqdisho-Somalia:- Lamanayaal barakacayaal ah ayaa dhowaan ku aqal galay mid ka mid ah xeryaha barakacayaasha ee ku yaala Muqdisho, iyadoo xaflaadsi si heer sare ah oo aad uga duwaneyd aroosyada ay dhigtaan barakacayaasha loogu sameeyay xero qaxooti ah.

Arooska iyo Aroosada kala ah Cumar Cabdullaahi iyo Nuurto Suleyman ayaa arooskooda si cajiib leh uga dhacay Xerada Rajo qeybteeda degmada Hodan, halkaasoo ay ku dhaqan yihiin barakacayaal fara badan oo ay ka mid yihiin arooska iyo aroosada.

Xaflada Arooska oo ay ka qeyb galeen boqolaal ruux oo barakacayaasha ahaa ayaa ka dhacday goob la xardhay, arooska iyo aroosada ayaa fadhiyay labo kursi, halka dadkii ka qeyb galayay arooska ay daawadayaal oo kale ka ahaayeen.

Xaflada oo ay bar bar socotay ciyaaro dhaqan, heesaha Soomaaliga iyo heesaha reer Galbeedka oo ahaa kuwo laga daaray sameecado Memory wata oo ay ku duubnaayeen, waxaana caruur loo diyaariyay arooska ahaayeen kuwo si wanaagsan ugu ciyaarayay.

 

Sida kuu muuqata arooska iyo aroosada ayaan ka duwaneyn aroosyada ay dhigtaan dadka dhaqaalaha heysta waxa ay ku fadhiyaan Kuraas caag ah, waxaana garab fadhiya Malxiiska iyo Malxiiasda.
 
Arooskaan ayaa noqday mid acjiib ah, waxaana ay noqotay mid laga hadal hayo Kaamka Rajo ee ku yaala Degmada Hodan, waxaana sidoo kale hadal haya Dadka Ladan e ku nool xaafada oo ay ahayd marki ugu horeysay ee arkaan barakacayaal isku aroosaya sidi dadka ilaahay dhaqalaha u dhiibay o kale.
 
Ninka aroosaya waxaa u ku labisan yahay Jaakad Suut ah iyo garabaati, halka gabadhu ay ku labisan tahay dhar ku cusub dadka Reer Muqdisho oo u tolan sidi cabaayad oo kale.
 
 
Arooskaan quruxda badan ee ay dhigteen wiilka iyo gabadha soomaaliga ah ayaa ah mid aad loogu farxo marka la eego xerada oo marki ay imaanayeen aahayd mid aad xaaladeeda u adkeyd oo xataa dadka maanta arooska dhiganaya ay la'aayeen wax ay afka saartaan Biyo iyo Baadba.
 
Ilaahay mahadii maantana waxaa ka dhacday Xafladaan aad u jeedaan taasoo ay dhiganayaan dadki ku soo barakacay Kaamkan uu ka dhacay Arooska, waxaana ay tahay wado wanagsan oo u furantay dadka barakacayaasha oo awal hore isku gursan jiray qaab hoose  maadaama ay heysan dhaqaale.
 
Arooska inta uu socday waxaa jiray ciyaaro Hidaha iyo dhaqanka Soomaaliyeed, waxaana meesha ku soo bandhigayay Caruur aad u da'yar o lagu carbiyay sidi ay u madadaalin lahaayeen dadka ka soo qeyb galay Xadlada Arooska.
 
Inkastoo ay wali jiraan Duruufo adag oo ay wajahayaan dadka barakacayaasha ah, waxaa aad uga soo hagaageyso sidi ay ahaayeen marki ay soo galayeen xeradaan o markaas qof Bani'adam u indhaha u dhameyn karin.
 
Xaflada waxa ay ahayd mid aad loo soo buux dhaafiayay dadka dhana waxa ay eegayeen dhalinyarada is gursaneysa oo wax cusub ku soo kordhiyay dadka barakacayaasha ah, waxaana ad loogu riyaaqay xaflada inkastoo ay dadka taagnaayeen maadama loo heli waayay wax lagu fariisiyo, waana mid aan aad uga xunahay hadaan nahay walaaha soomaaliyeed,waxaana Murugadaas na hilmaamsiisay dhalinta isguursaneysa oo ku faraxsan aqal galkooda.
 
Intaas kadib ka soo qeyb galayaasha waxa ay sugayeen arooska iyo aroosada ciyaartooda, waxaana halmar soo istaagay arooska iyo aroosada oo aad a6y uga muuqatay farxad sareysa oo aan la qiyaasi karin.
 
Waxay dhex istaageen goobta lagu ciyaaro, waxa ay muujiyeen ciyaar aad u daganeyd oo loogu talo galay in ay ciyaar arooska iyo aroosada, waxaa loo saaray Muusik aad u dagan oo ay la qabsan karaan.
 
Waxa ay hada noqdeen dhalinyaradaan qooys ka mid ah qooysaska ku jira xerada Rajo, waxaana ay ahaayeen marki ay soo dagayeen kuwa la socday Reerahooda oo gacanta lagu hayay.
Waxaana leenahaya Allaha isku barakeeyo kana dhigo kuwii ka baxa nolosha ay hada isku jeclaadeen oo ugu badala nolol ka macaan mida ay soo mareen, waxaana ilaahay uga baryeeynaa inuu siiyo awlaad wanagsan oo anfacda Diinta Dalka iyo Dadka.
 
 
Aamiin 
 
 
 
 
 
 
 
Xafiiska wararka Somaliradio.net Muqdisho-Somalia

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012