Labo nin oo lagu dialy Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari
Views:87 | Friday, May 11th, 2012 | By SOMALIRADIO
Boosaaso-Bari:- Waxaa shalay Maqribkii dil loogu geystay Xaafada New Boosaas Labo Nin oo ahaa ilmo adeero kuwaasoo marayay meel u dhow xarunta wadaada Rabiiciyada ee ku taala xaafadaas.
Dilka ayaa waxaa la sheegay inay fuliyeen Labo dhalinyaro oo ku hubeysan Bastoolado, waxayan isla marki ka baxsadeen Goobti ay ku toogteen Raggi, waxaana wararka ay intaasi ku darayaan inay Ragga dilka geystay ay Afka xirnaayeen.
Dad Goobjoogayaal aha ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Ragg dilka geystay mid ka mid ah uu toogtay mid ka mid ah labada dhalinyaro, waxaana marki Ninki kale uu arkay in la dilay Ninki la socday uu isku duubay Ninki dilka geystay balse Nasiib daro waxaa Gadaal ka toogtay Ninki kale ee la socday Ninka wax dilay, waxaana labadooda ay ku geeriyoodeen isla goobta.
Ragga la dilay ayaa ka soo jeedaa deegaanka ay Shabaab ku qul qulayaan ee Gal-Gala, waxaana wararka qaar ay sheeegayaan Raggaan inay ka mid ahaayeen Dad fara ku tiris ah oo diiday in Shabaab ay ku dhuuntaan deegaanadooda.
Falka kadib waxaa yimid sida caadada ahayd ciidamada amaankka, waxayan goobta ka sameeyeen baaritaano la xiriira dilka iyagoo Raggi la dilay u qaaday dhanka Cisbitaalka, waxayna sheegeen saraakiishi la socotay ciidamada inay baarayaan Dilka labada dhalinyaro.
Tan iyo marki Shabaab ay gaareen Buuraha Gal-Gala waxaa gacmaha ka sii baxayay amaanka maamul goboleedka Puntland Soomaaliya, waxaana shabaab ay sheegteen inay dilayaan dadka maamulka haya iyo kuwa taageera waa Puntland.
Xafiiska wararka Somaliradio.net Muqdisho-Somalia
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
