Shil gaari oo saaka ka dhacay duleedka magaalada Qardho ee Gobolka Kar-Kaar
Views:91 | Friday, May 11th, 2012 | By SOMALIRADIO
Qardho-Kar-Kaar:- Shilkan gaari oo aan geysan khasaaro Nafeed ayaa saaka waxa uu ka dhacay duleedka Degmada Qardho ee Gobolka Kar-kaar, waxaana uu gaariga u dhacay dhinac, isagoo dhib gaarsiinin dadkii rakaabka ahaa.
Gaariga oo noociisa ahaa NISSAN oo Soomaaliduna ay u taqaano Waaraad ayaa ku gadoomay meel u jirta Toban KM dhanka waqooyi ee magaalada Qardho, iyadoo dhamaan dadki saarna ay bad baadeen, inkastoo dadka ay ka muuqatay Naxdin.
Mid ka mid ah Saraakiisha wadooyinka ee maamul goboledka Puntland oo la hadlay warbaahinta ka howlgasha Gudaha maamulkaas ayaa sheegay in sababta keentay shilka u ahaa Gaariga oo ka baxay wadada uu ku socday,wuxuuna sheegay in wadaha Gaariga uu ku guul dareystay inuu xukumo gaariga ka baxay wadada.
Dadka saarnaa Gaariga ayaa waxaa soo gaaray dhaawacyo , waxaana hada Tirada dhaawacyada ay yihiin Labo Ragg ah iyo Hal Haweeney ah oo lagu Dabiibayo Cisbitaalka weyn ee magaalada Qardho ee xarunta Gobolka Kar-Kaar.
Dhakhaatiirta Cisbitaalka Qardho ayaa sheegay in uu jiro hal dhaawac oo daran, waxaana ay sheegeen inuu ku jiro Koomo, dhinaca kale labada kale ee dhawaca ah ayaa hada ah kuwa caadi ah oo la dabiibay inkasdtoo uu wali xanuunki ku dambeeyo.
Gaariga shilka galay ayaa waday alaab iyo Bagaash isagoo ka soo kicitamay magaalada Dekada ah ee Boosaaso, waxaana uu ku soo jeeday magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxaana hada wali socda howlo lagu toosinayo gaariga gadoomay.
Ciidamada wadooyinka ee Puntland ayaa markasta ugu baaqa inay xawaare hoose ku wadaan marka ay marayaan wadooyinka qaar oo ah kuwa shilka ay ku gali karaan, balse waxaa arintas dhag jalaq u siinin Ragg ka xeeya gawaarida Xamuulka iyo kuwa yar yar ee isaga kala goosha Gobolada dhexe iyo kuwa Bari
Wadada u dhexeysa Boosaaso iyo Qardho ayaa ah wadada ugu shilka badan deegaanada Bari, waxaana shilkaan u yahay midki Afaraad oo ka dhaca Mudo sadex Todobaad ah, walina ma muuqato xal ay sameeynayaan wadayaasha Gaadiidka.
Xafiiska wararka Somaliradio.net Qardho-Kar-Kaar
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
