Madaxweyne sheekh shariif oo goor dhawayd ka Duulay Nairobi oo uu Transit ku ahaa 3-Saac Maraykanka uga soo gudbay.
Views:75 | Monday, May 14th, 2012 | By SOMALIRADIO
Nairobi-Kenya:- waxaa goor dhawayd ka duulay garoonka Joma kenta ee magaalada Nairobi madaxweyne shariif iyo Xubno la socday oo saacado ka hor ka soo duulay dalka Ugandha oo ay 48-saac ee la soo dhaafay ay ku sugnaayeen.
Madaxweyne shariif ayaa waxaa safarka Ku wehliyay Xubno uu ka mid ahaa Raisal Wasaare Ku-xigeenka ahna wasiirka difaaca Xuseen Carab Ciiise wasiirka arimaha dibada c/llaahi xaaji Xasan AMP: Ciise dheere iyo Xildhibaano.
Madaxweyne shariif ayaa ku sii hakan doona wadanka UAE, waxaana lagu wadaa in saacadaha soo socda uu uga sii Duulo dalka maraykanka, sida uu Noo xaqiijiyay saaka ku-Simaha safiirka soomaaliya u fadhiya Kenya
Cali Maxamed sheekh Cali bagadi ahna Xoghayaha koowaad ee safaarada Soomaaliya ee Kenya.
Cali Maxamed sheekh Cali bagadi Xoghayaha koowaad ee safaarada Soomaaliya Kenya ayaa saxaafada u sheegay in Madaxweyne shariif uu ku sugnaa garoonka 3-saac, waxa uuna sheegay in uu u sii Duulay magaalada Dubai.
Cali bagadi ayaa sheegay in Madaxweyne shariif intii uu ku sugnaa garoonka uu Qolka Martida kula kulmay safiirada Wadamada ingiriiska iyo Maraykanka fadhiya Kenya.
ku Simaha safiirka ayaa sheegay in madaxweyne shariif uu Dalka Maraykanka ka helay casuumaad uuna maalmaha soo socda ku sugnaan doono, waxaana lagu wadaa in madaxweyne shariif uu halkaas kula kulmo Xubno ka Tirsan Beesha caalamka iyo dowlada Maraykanka oo uu martida u yahay.
Xafiiska wararka Somaliradio.net Nairobi-Kenya
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
