Fanaankii Qaranka Soomaaliyeed Cabdi Cali Baacalwaan Oo Gaaray Dalka Jarmalka
Views:84 | Monday, May 14th, 2012 | By SOMALIRADIO

 

Munich-Germany:- Waxaa Dalka Jarmalka Soo Gaaray Fanaankii Hobollada Waaberi Safka Hore uga jiray, kana mid ahaa Faniaaniintii uu Qaranka Somaaliyeed ku dhaaranayay waa Cabdi Cali Baacalwaan, Baacalwaan ayaa in muda ah waxa uu ku xanuunsanayay Dalka Kenya, waxaana dhinaca caloosha looga sameeyay qaliin qaliinkaas oo aan u dhicin sidii la rabay,waana mida keentay Fanaanka Cabdi Cali Baacalwaan in uu soo gaaro Dalka Jarmalka si uu u helo qaliin wanaagsan.

mar aan Qadka Taleefoonka kula xiriiray Fanaanka Baacalwaan isaga oo ku sugan Magaalada München ee Dalka Jarmalka ayaa ii sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinka Dalka Jarmalka,wuxuuna AL Fanaan Baacalwaan uu si wada jira ugu mahadnaqayaa Dhamaan Ummada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka iyo Dibadba,sidoo kale Fanaaniinta Soomaaliyeed oo iyagana ku Nool Dalka iyo Dibadaba kuwaas oo gacan weyn ka geytay,hadey noqon lahayd dhinaca kaalmada iyo talo bixintaba la xiirtay caafimaadkiisa.

Fanaan Baacalwaan ayaa hada sugaya in wax laga qabto caafimaadkiisa,iyadoo durbaba ay bilaabatay baaritaanka caafimaadkiisa la xiiray,sidaa darteed waxa uu Fanaan Baacalwaan Ogeysiinayaa axsaabtiisa in ay kala soo xiriiri karaan Taleefoonkiisa Gacanta waana 0049176-73273212.

 

 

 

Xafiiska wararka Somaliradio.net Yurub

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012