Yuusuf Xassan '' Saldhig Police ayaa laga Hirgalinayaa Xaafad Soomaalida dagto ee Islii ''
Views:96 | Tuesday, May 15th, 2012 | By SOMALIRADIO

 

Nairobi-Kenya:-  Xildhibaanka laga soo doorto deegaanka Kamakunji ee magaalada Nairobi oo ay ka tirsantahay xaafadda Islii ayaa sheegey in uu jiro qorshe xaafaddaasi loogu dhisayo saldhig Police si wax looga qabto dhibaatada amaandarida.

  Waxa uu ka hor hadlayay boqolaal Soomaali ah magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika maalinkii shalay ahaa, wuxuuna hadalkiisa kusoo beegmayaa xili Soomaalida Islii ay dhawaan samaysay banaanbax balaaran oo ay kaga cabanayaan amaandarida xaafadda.

“Hawshii ugu horeysay oo aan qabtay markii aan Xildhibaan noqdey waxay ahayd in aad tagay wasaaradda amniga qaranka ah, waxaan la kulmey wasiirka, waxaanan hordhigey codsi ah in xaafadda Islii loo sameeyo Saldhig, dalabkaasina waa uu iga ogolaaday, laakiin dhibaatada jirta ee walina taagan waa in aysan jirin labbo talaabo oo dhul ah oo saldhig laga dhisi karo oo ka ka banaan Islii” ayuu yiri Yuusuf Xassan.

  “Soomaalida waxa ay iibsaday dhulkii oo dhan, gaar ahaan dhulkii danta guud loogu talogalay, waxaa ka mid ah dhulkii dowladda hoose, garoomaddii lagu ciyaarayay, xitaa kaniisadihii ayay iibsadeen, marka ma jiro dhul saldhig laga dhiso, laakiin waxaan la kulmey ganacsatada Islii oo hadda si weyn u abaabulan, waxaan ka codsaday in ay dhul bixiyaan si saldhig looga dhiso, codsigaasna waa ay iga ogolaadeen” ayuu intaasi ku daray. Yuusuf oo horey oga mid ahaa Soomaalida Koonfur Afrika ku nool, islamarkaasina noqdey mas’uuliyiinta ugu saraysa Qaramada Midoobey ee Afrikada Koonfureed ayay tahay markii ugu horeysey oo uu soo booqdo dalkani tan iyo intii uu galay baarlamaanka Kenya.

  Xaflad balaaran oo lagu soo dhaweynayay ayaa ka dhacday dusha sare daarta Amal, waxaana goobjoog ahaa gudoomiyaha guud jaaliyadda Soomaalida Maxamed Cabdi Diiriye (Qooqaani), Suldaan Dugsiye Cumar Xaashi, Ganacsade Maxamed Santoore, Caqiil Sheekh Yuusuf, Dr. Yaasiin oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaalida, iyo Qaasim Boosh Cali iyo dadweyne farobadan.

Su’aalo ay dadka weeydiin oo ku saabsanaa waxqabadkiisa ayuu kaga jawaabay in deegaanka Kamakunji uu ka koobanyahay 7 xaafadood, Soomaaliduna degentahay 2 ka mid ah, sidaasi darteed waxqabadkiisa uu yahay mid wada gaarsiisan 7da xaafadood, waxa uu soo hadal qaaday in 3da jid ee xaafadaha Islii midkood lagu bilaabay dhismo, halka labada kalana lagu bilaabi doono, “waxaan is-hortaagtey dhismayaal badan oo ay dowladdu dumin lahayd, waxaan ka hortagnay ciidamaddii inta guryaha iska gala dadka kala soo bixi jirey, islamarkaasina dariiqyadda ku dhibi jirey”.

  Waxa uu sheegey in uu dadaal ugu jiro sidii Soomaalida looga saameyn lahaa xagga fikirka marka ay timaado hawlaha danta guud sida nadaafadda, amaanka iyo waxbarashada, “Haddii aad Westland tagto hindida halkaasi degen waxay leeyihiin guddi maxali ah, iyaga ayaa amaankooda sugta, qashinka ayay iska qaadaan, iskuulaadka iyo isbitaalada iyagaa dayactirta, dowladdana garab ayay ka helaan, waxaanan rajaynayaa in Soomaalida ay heerkaasi oo kale gaari doonto” ayuu yiri.

  Ugu dambeyntii waxa uu sheegey in uu markale isu soo taagayo xilka kursiga baarlamaanka Kamakunji, taageerana oga baahanyahay Soomaalida si uu u dhamaystiro hawlihii fulintooda uu bilaabay maadaamaa uu waqtiga ku yaraa. Arrimaha muranka xuduudda badda ee Soomaaliya iyo Kenya u dhaxeeya oo uu soo hadalqaaday ayuu sheegey in aysan jirin dhul Soomaaliya ay leedahay oo la xoogi karo, waxa uu rajo ka muujiyey in Soomaaliya ay cagta saartay wadadii nabadda iyo dowladnimada.

 

 

Wariye Fowzi Mahamud yusuf 

kala xiriir  fowzi_philipin10@hotmail.com

Xafiiska wararka Somaliradio.net Nairobi-Kenya

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012