Hargeysa oo Saaka ku waabariisatay Rabshado sababay dhimasho iyo dhaawac
Views:90 | Tuesday, May 15th, 2012 | By SOMALIRADIO

Hargeysa-Somaliland:- Saaka abaaro Saacadu marki ay garaaceysay Lixdii Subaxnimio ayaa waxaa magaalada Hargeysa ka bilowday Rabshado watay dhimasho iyo dhaawac, waxaana uu ka bilowday Warshadii Kaabista ee Bartmaha magaalada.

Ciidamada rabshadaha ka hortaga iyo dadweyne careysan aya gacmaha iskula tagay, taasoo Tirada dhimashada gaarsiisay 5 Ruux iyo dhaawac intaas ka badan, Ciidamada amaanka magaalada ayaa isku daygooda dhicisoobay, waxayna ugu dambeyn Rasaas nool u adeegsadeen shacabkii dhigayay Banaanbax rabshado watay.

Wariyayaasha Somaliradio ee ku sugan magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ciidamada iyo Dadweynaha dagaalkooda uu gaaray meel halis ah, waxaana ciidamada ugu dambeyn ay adeegsanayeen Hub culus kadib marki Rasaasta Fudud ay dadka ka dhaga adeegeen.

Cisbitaalka Guud ee magaalada Hargeysa ayaa la geeyay dad aad u badan, waxaana dhakhaatiirta ay hada la tacaalayaan Bukaanada ku soo dhaawacmay Rabshadaha dhexmaray ciidamada amaanka iyo Daweyne waday rabshado.

Warar hoose oo aan heleyno aya sheegaya inay jiraan dad ay qabteen ciidamada , waxaan ajira jirdilo ay ku sameeyeen dadkaas, kadib marki gacanta lagu dhigay iyagoo horkacaya rabshadaha.

Magaalada ayaa hada kacsan waxaana wadooyinka la soo dhoobay ciidamada amaanka, gaar ahaan kuwa ka hortaga rabshadaha, waxaana wali socda colaad ka aloosan meeshi uu saaka ka dhacay rabshada.

Warar hoose aan heleyno ayaa sheegaya in Dadka dhintay ay ku jiraan Labo Askari oo ka tirsan ciidamada amaanka, waxaana wararku ay sheegayaan in Askareta ay haleeleen walxo ay tuurayeen dadka rabshadaha waday.

Wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco wararka dambe ee Somaliradio.net 

 

 

 

Xafiiska wararka Somaliradio.net Hargeysa-Somaliland

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012