Kooxo Hubeysan oo xalay Dil ka geystay Degmada Hodan
Views:84 | Tuesday, May 15th, 2012 | By SOMALIRADIO

 

Kooxo hubeeysan ayaa xalay waxa ay toogteen Nin Rayid ah kaasoo ku sugnaa degmada Hodan ee gobolka Banaadir, xili Maalmihi dambe ay sheegaysay Hey'ada Nabad Sugida inay wax ka qabatay dhanka amaanaka magaalada.

Muqdisho-Somalia:- Ninkani oo la sheegay in uu ka mid ahaa darawalada gaadiidka kaxeeya magaalada Muqdisho ayaa xalay kooxo ku hubeeysan bastoolado waxa ay ku toogteen nawaaxiga Ex-Coca-Cola oo ka tirsan degmada Hodan ee gobolka Banadir, isagoo la sheegay inuu marayay meel aan sidaa uga fogaa goobta lagu toogtay.

Marxuumka la dilay ayaa magaciisa lagu sheegay C/llahi Maxamed Cigale Dhaga weyne kaas oo aan ilaa iyo imin laga ranaynin sababta ka danbeeysay dilkiisa, hase ahaatee waxaa la tilmaamay in kooxihii dilkiisa ka danbeeyay ay durbadiiba ka baxsadeen goobta uu dilku ka dhacay, waana dilalka qorsheysan ee ka dhaca magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in dadka ku dhaqan Xaafada Ex-Coca-Cola ee degmada Hodan ay aritaasi cabsi iyo qal qal ku abuurtay waxana ay dhacdaasi ku tilmaameen in ta hay mid lago naxo, iyagoo xalay ay u ahayd habeen ay ku jiifteen wal wal dhanka amaanka ah.

Sikastab dilka xalay ka dhacay nawaaxiga Ex-Coca-Cola ee degmada Hodan ayaa waxa uu imaanayaa xilli hay’adda nabad sugida qaranka dowladda KMG ay sheegtay inay wax ka qabata dhanka amaanka caasimada iyadoo ay sidoo kale shalay ay wacad ku martay in ay ka hortageeyso kooxaha Muqdisho ka geysta falalka qorsheeysan ee dilalka iyo dhibaatooyinka kale isugu jira.

Shacabka ayaa ah kuwa u nugul dhibaatada ka dhaceysa Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho,waxayana shacabka kala kulmaan dhibaatooyin ay ugu horeyso dilal iyo dhac baahsan labada dhinac ee isku haya awooda dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho.

 

Xafiiska wararka Somaliradio.net Muqdisho-Somalia

 
 

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012