Dowladda KMG oo shaacisay in Dastuurka cusub maalmo gudahood lagu soo afjarayo
Views:83 | Wednesday, May 16th, 2012 | By SOMALIRADIO

Muqdisho-Somalia:- Dowalada Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in la soo afmeerayo Dastuurka cusub maalmaha soo socda, waxana ay dowladu sheegatay in hada gabo gabo uu yahay Qabyo qoraalka.

Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumada Soomaaliya C/laahi Xoosh Jibriil ayaa sheegay in si deg deg ah looo soo afjari doono Qabyo qoraalka Dastuurka cusub, waxaana uu sheegay in lagu ansixinayo maalmaha soo socda, isagoo xusay inay dhanka Xukuumada iyo Qubaradii u fadhisay Dasturka ay soo dhameynayaan maalmaha soo socda , maadaama odayaashi dhaqanka ay fadhiyaan sidi ay u soo xuli lahaayeen Ergada ansixineysa Dastuurka cusub.

C/laahi Xoosh Jibriil ayaa sheegay in Xukuumada ay ka go'an tahay in Dastuurka lagu ansixiyo maalmaha soo socda, waxaana uu xusay in hada howluhu ay marayaan meel aad u wanaagsan,wuxuuna sidoo kale sheegay inay la sameeyen wada tashiyo badan Qubarada ku howlan Dastuurka iyo Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in hadii Dastuurka ay ka hor yimaadaan shacabka Soomaaliyeed uusan socon doonin oo la hakin doono, waxaana hada socda dadaalo ay xukuumada ay ku dooneyso in lagu ansixiyo dastuurka cusub.

Waxaa jira Siyaasiyiin Xildhibaano Aqoonyahano iyo Culumada Soomaaliyeed, kuwaasoo ka soo horjeeda Dastuurka cusub oo hada ay ku tilmaameen in Dastuurku uu yahay mid lugta ku dhufanayo Diinta iyo Jiritaanka shacabka Soomaaliyeed.

Xukuumada ayaa hadalkeeda imaanaya xili laga soo horjeedo Dastuurka ay wado, waxaana hada socda dadaalo ay xukuumada kaga dhaadhicineyso Dastuurka cusub,inkastoo wali ay taagan tahay meel aan isku dhaween Xukuumada iyo dadka mucaaradsan Dastuurka.

 

 

Xafiiska wararka Somaliradio.net Muqdisho-Somalia

C/qaadir Muuse Maxamuud

Editor;- Main-Office- Garoowe.

Somaliradio.net

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012