Ciidamda AMISOM oo Fariisimadii u horeeyay ka Samaystay Baydhabo
Views:75 | Thursday, May 17th, 2012 | By SOMALIRADIO

 

Baydhabo-Bay:- Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa markii ugu horeysay waxaa si rasmi ah fariisimo uga sameystay Ciidammo ka tirsan Midowga Afrika kuwaasi oo qeyb ka ah howlgalka Nabad Ilaalinta ee AMISOM.

Muuqaallo ay baahiyeen wakaaladaha Wararka Caalamka qaarkood oo magaalada lagasoo qaaday xili ay kormeer u kuurgelid ah ku tageen Saraakiil ka socotay Q.M ayaa muujinaya Ciidammo ka tirsan Midowga Afrika oo fariisimo cusub ka sameystay qeybo gudaha iyo magaalada ayadoo muuqaallada sidoo kale ay muujinayaan Ciidammada AMISOM oo gaadiid magaalada ku dhexmaraya.

Ciidammadan hada gaaray magaalada Baydhabo tiradoodu waxa ay gaareysaa Boqolaal Askari waxaana ay hordhac u yihiin Ciidammo gaaraya ilaa 2500 (Laba Kun iyo Shab Boqol) oo Askari kuwaasi oo loogu talagalay in Ammaanka magaalada Baydhabo ay kala wareegaan Ciidammada Ethiopia oo iyagu taageero siinaya Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya waxaana la wareegistu ay dhici doontaa marka tiradaasi lasoo dhameystiro.

Boqolaalkan Askari ee hada ku sugan magaalada Baydhabo ayaa ukala dhashay dalalka Ugandha iyo Burundi oo iyagu ka mid ah dalalka ka socda Midowga Afrika ee ka howlgalaya Soomaaliya waxaana talaabadan ay bilow u tahay qorshe horey loogu dejiyey Ammaanka magaalada oo ku aadanaa in Ciidammo ka socda AMISOM ay la wareegaan.

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa ka mid aheyd goobaha ugu waaweyn ee ay ku xooganaayeen Maleeshiyada kooxda Al-Qaacidada Soomaaliya ayadoo magaaladana si wadajir ah kooxdaasi ay uga xoreeyeen Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Ethiopia bishii February ee horaantii Sanadkan.

 
 
 
 
 
Xafiiska wararka Somaliradio.net Baydhabo-Bay

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012