Shacabka Afgooye oo murugo badan kadib maanta gacanta u galay Ciidamada DKMG iyo AMISOM
Views:85 | Friday, May 25th, 2012 | By SOMALIRADIO

 

Shacabka ku nool Degmada Afgooye oo maalmihi u dambeeya ku jiray qalq al dhanka dagaalada ah ayaa maanta ugu dambeyn waxa ay gacanta u galeen ciidamada huwanta ah ee ay hogaaminayaan kuwa Soomaaliya.

Shacabka oo maalmihi u dambeeya ku jiifanayay wal wal kuna soo kacayay ayaa hada waxa degmadooda la wareegay ciidamada Dowalda Soomaaliya iyo kuwa kabaya ee AMISOM.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo aan la hadaly Daqiiqado ka hor ayaa sheegay in maalmihi u dambeeya ay ku jireen Qal qal dhanka dagaalada maadama degmadooda ay ahyd meesha la siku heystay.

'' Hada waxaa degmada heysto Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo AMISOM , waana faraxsbahay marki ay gudaha u soo galeen ciidamada, waayo maalmihi u dambeeya waxaan ahayn dad ka wal walsanaa in loagu dul dagaalamo '' waxa sidaa yiri Aabo Soomaaliyeed oo magaciisa ka gaabsaday in loo adeegsado warbaahinta.

Dagaal aan xoog badneyn ayaa ka dhacay duleedka degmada Afgooye gaar ahaan deegaanka la dhaho Baar Ismaaciil oo xalay ay ciidamad Dowlada ku hooydee, waxaan hada ay gudaha u galeen degmada Afgooye.

Dadka ku nool degmada ayaa sheegaya in ciidamada ay watan gaadiid dagaal oo aad u fara badan waxaana sidoo kale la socda gaadiidka guur guurta ee Taangiyada kuwasoo ku yimid wadooyin qarda jeex ah.

Hada gudaha degmada waxaa ku sugan Ciidamo isugu jira AMISOM iyo Soomaalia, inkastoo ay wali afriisan saldhigyada iyo xarumaha Dowlada, maadaama ay ku socdaan baaritaano.

Sidoo akle ciidamada ayaa durba xiray wadooyinka soo gala kana baxa degmada iyagoo sheegay inay sugayaan amaanka Afgooye oo wali ay ku sugan yihiin Haraagii Shabaab.

 

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012