Dagaal ka dhacay Gobalka jubada hoose ee Koonfurta Soomaaliya
Views:82 | Saturday, July 7th, 2012 | By somaliradio.net

 

Sida ay sheegayaan dad deegaanka ah waxaa dagaal culus oo qasaaro geystay xalay deegaanta taabta ee gobalka jubada hoose uu ku dhaxmaray ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya kuwa Kenya oo isku dhinac ah xarakada Shabaab oo meelo ka mid ah dalka ka maamusha.
 
Dagaalka ayaa waxa uu ka danbeeyay kadib markii dagaalyahano ka tirsa shabaab ay weerar gaadma ah ay ku qaadeen fariisamo ciidamada Dowlada KMG iyo kuwa kenya ay ku leeyihiin deegaanka Taabta ee gobalka jubada Hoose waxaana halkaasi lasoo sheegayaa iney qasaarooyinka dhasheen.
 
Inta la xaqiijiyay 4-ruux oo dhinacyada ah ayaa ku geeriyootay tiro kale waa ay ku dhawacmeen waxaana dagaalka uu socda sida ay noo xqiijiyeen dad deegaanka mudo sodan daqiiqa ah wallow markii danbe dagaalka uu iskiisa u istaagay,waxaana dagaalka sidoo kale uu sameyn ku yeeshay dadka deeganta Taabta.
 
Dagaalka ayaa markiisii hore waxaa la sheegay inuu ku bilowdey madaafiix kooxada shabaab ay ku garaaceen deegaanka taabta oo xalay shabaabka ay weerareen wallow markii danbe dagaalka fool ka fool uu isku badalay waxaana mac quul ah in dagaalka qasaarihiisa intaas uu ka badan yahay.
 
Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowlada KMG ee Soomaaliya ee ku sugan Gobalka Jubada Hoose ee Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegeen in guulo ay ka gaareen dagalki xalay shabaabna ay ka dileen sida ay hadalka u dhigeen ilaa iyo 5-dagaalyahan mana jirto cid madax banaan oo xaqiijineysa.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012