Xuseen Carab Ciise oo sheegay inay howlo lagu xoreynay Gobolada dalka ay u joogaan Nairobi
Views:103 | Wednesday, July 11th, 2012 | By somaliradio.net

 

Wasiirka difaaca ee DKMG  Soomaliya mudane Xuseen Carab Ciise ayaa ka hadlay sababaha ay u soo gaareen Kenya, waxaana uu shaaca ka qaaday inay Nairobi ka socdaan shirar lagu xoreynayo dalka Soomaaliya.

Wareysi gaar ah o uu siiyay Idaacada afka dowlada ku hadashaya ayaa waxaa uu sheegay inay sida ugu dhaqasaha badan dalka looga saari doono Alshabaab, isagoo sheegay inay heli doonan xornimo shacabka ay gumeysanayaan Alshabaab.

Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu ku wehlinayo Safarkiisa Jananka Ciidamada oo dagaalada looga bartay inuu horboodo.

” Aniga iyo Jananka waxaan u joognaa Nairobi howlgalo la xiriira sidi loo xoreyn lahaa shacabka iyo  dhulka soomaaliyeed ee ay heystaan Alshabaab, waxaana ka qayb galeynaa shirar looga hadlayo arimahaas ” waxaa sidaa yiri Xuseen Carab Ciise.

Xuseen Carab oo ka hadlayay dhanka Shacabka ku nool Gobolada dalka ee ay heystaan Alshabaab ayaa waxaa uu sheegay inay ka heli donaan taagero balaaran , maadaama ay dhibaato badan ku hayaan alshabaab.

Dowlada Soomaaliya ayaa hada waxa ay heysaan niyad aad u sareysa taasoo ay alshabaab kaga adkaaneyso dhanka dagaalaka , waxaana ay sheegayaan dadka siyaasada falanqeeya in DKMG ay ka faa’iideysaneyso ciidamada badan ee taageerada siinaya.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012