Deg Deg : Ciidamada DKMG iyo AMISOM oo goor dhow la wareegay deegaanka Laanta Buuro
Views:100 | Wednesday, July 11th, 2012 | By somaliradio.net

 

Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa goor dhow la wareegay deegaanka Laanta Buur ee Gobolka Shabeelaha Hoose, ka gadaal marki ay saaka ciidamada weerar ku qaadeen deegaankaas oo ay ku sugnaayeen Alshabaab.

Sida ay soo sheegayaan wariyayaasheen ku sugan Gobolka Shabeelaha Hoose dagaalka ayaa socday saacado kooban , iyadoo ciidamada huwanta ah ay u suuragashay inay gudaha u galaan deegaanka Laanta Buuro.

Sidoo kale wararka soo naga soo gaaraya deegaanka Moori ayaa waxaa ka socda Rasaas Goos Goos ah, taasoo ay isku weedaarsanayaan ciidamada huwanta ah iyo kuwa Alshabaab ee laga saaary deegaanka Laanta Buuro.

Saraakiisha Dowlada ayaa sheegay in howlgalki iyo dagaalki sidaba socday ay guulo ka soo hoyeen, waxaana ay sheegeen inay wali u sioi socdaan dhanka deegaanada ka dhiman Gobolka Shabeelaha Hoose.

Isku soo wada duubow dagaalada ka si socda Gobolada dalka ayaa u muuqda kuwa Alshabaab awoodooda lagu wiiqayo, waxaana guulo badan ka soo hoyay ciidamada huwanta ah.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012