Farmaajo oo si cad u sheegay inuu yahay musharaxa u taagan xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya
Views:116 | Wednesday, July 11th, 2012 | By somaliradio.net

 

Ra’isul wasaarihii hore ee Xukuumada KMG ayaa si cad u xaqiijiyay inuu yahay musharaxa u taagan xilka madaxtinimada ee Bilaha soo socda dalka yeelan rabo.

Maxamad C/laahi Maxamad Farmaajo ayaa u sheegay Wargeyska The Daily Nation ee ka soo baxa dalkan Kenya inuu yahay musharaxa xisbiga TAYO isagoo sheegay inay rajo weyn ka leeyihiin inay guulo ka soo hoyeen doorashada soo socota.

Farmaajo ayaa sheegay in mudo dheer uu ka fikirayay siyaasada dalka, isagoo sheegay in marki dambo uu go’aan ku gaaray inuu xilka madaxtinimo isku soo taago.

Farmajo hada waa Xogayaha Guud ee Xisbiga TAYO , waxaana uu horey u soo noqday Ra’isul wasaaraha dalka Soomaaliya , isagoo kaga tagay kursiga cadaadis kaga imaanayay Beesha Caalamka.

” Waxaan Go’aansaday inaan mar kale ka tago shaqadii aan ka hayay Mareykanka , waxaanarumeysanahay inaan dalkayga ka saari doono dalkayga dhibaatada uu ku jiro ” ayuu Farmaajo u sheegay Wargeyska Daily Narion.

Shacbka Soomaaliyeed ayaa aad ula dhacsan siyaasada Farmaajo, kadib marki ay arkeen xiligii uu hayay Talada dalka Soomaaliya, waxaana marki shaqada uu isaga tagayay aduunka ka dhacay Banaanbaxyo caalami ah kaasoo ay sameynayeen shacabka Soomaaliyeed dalka iyo dibada.

 

 

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012