Wiil Dhalinyaro ah oo lagu gowracay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo
Views:87 | Thursday, July 12th, 2012 | By somaliradio.net

 

Wiil dhalinyaro ah oo da'diisa lagu qiyaasay inuu ka yar yahay 20 sano ayaa xalay waxaa lagu gowracay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo ee ay ka taliyaan Maamulka Galmudug State.

Sida ay sheegayaan wararka ka imaanayaa Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Koonfurta ayaa dadka aad uga argagaxeen falkaan lagu gowracay wiilka dhalinyarada ah , waxaana ilaa Saaka jiro cabsi ay muujinayaan shacabka ku nool koonfurta Magaalada Gaalkacyo.

Sarkaal ku hadlayay magaca Maamulka Galmudug ayaa sheegay inay ku raad joogaan cidii ka dambeysay gowraca wiilka yar, waxaana uu sheegay inay hada meel wanaagsan u marayaan howlgalkaas.

Ciidamada maamulka ayaa wado saaka howlagalo lagu raadinayo kooxihi ka dambeeyay falkaan, waxaana ay tahay arin ay dadka ka muujiyeen wal wal badan.

Falalka Gowraca ah ayaa soomaaliya ku soo biiray marki ay ciidamada Itoobiya gudaha dalka soomaaliya soo galeen sanadkii 2007 bilwogiisi , iyagooo qalay dad aad u badan, waxaana falkaas ka dhaxlay ciidamada Itoobiya kooxaha ka dagaalama gudaha dalka Soomaaliya.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012