Afayeenka cusub ee AMISOM oo ka warbixiyay dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ka socda Gobolak Shabeelaha Hoose
Views:89 | Thursday, July 12th, 2012 | By somaliradio.net
Afayeenka Cusub ee Ciidamada AMISOM Col. Cali Aadan Xaamud ayaa ka hadlay dhaq dhaqaaq ciidan oo laga dareemayo Gobolka Shabeelaha Hoose, iyadoo la ogsoon yahay in shalay ciidamada DKMG iyo AMISOM ay la wareegeen deegaanka Laanta Buuro.
Col Cali Aadan Xaamud oo ah afayeenka AMISOM una dhashay dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti ayaa sheegay howlgalkii ay shalay ku qaadeen deegaanka Laanta Buuro uu u dhacay si wanaagsan, isagoo ku amaanay Ciidamada Dowlada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.
'' Howlgalkii shalay sidi la rabay ayuu u dhacay , waxaa wali socda dhaq dhaqaaq ciidam kii ugu xooganaa , qorshaha waxaa waaye in meelo badan la tago '' waxaa sidaa yiri afayeenka AMISOM Cali Aadan Xaamud.
Afayeenka oo ka hadlayay sababta loogu dhiibay xilkaan, ayaa sheegay inay ahayd in afka hooyo ee soomaaliga la rabo in loogu gudbiyo shacabka soomaaliyeed, markasta guulaha ay gaarayaan cidamada huwanta ah.
'' Shacabka Soomaaliyeed ayaa afkooda loogu gudbinayaa , Jabuuti iyo Soomaaliya waa isku af, sidaa darteed hada ka dambo waxay ku dhageysan doonaan afkooda hooyo iyagoo wax turjumaan ah helin '' waxaa mar kale yiri Col Cali Aadan Xaamud.
Ciidamada AMISOM ayaa wali wada dagaalo ay kula jiraan Alshabaab oo marki hore isku balaarin weyn ku sameeyay Gobolada dalka soomaaliya, waxaana hada socda dagaalo faraha looga gubanayo kuwaasoo dhexmaraya ciidamada huwanta ah iyo kuwa Alshabaab oo ku adkeysanaya inay sii heystaan deegaanada gacantoda ku jira.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
