Gen. Dhego Badan '' anigu ma qarinayo ciidamadeyda waxay u diyaarsan yihiin inay qabtaan Marka
Views:95 | Thursday, July 12th, 2012 | By somaliradio.net

 

Abaaduulaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya Gen C/kariiin Yuusuf Aadan Dhego Badan ayaa shaaca ka qaaday in ciidamadiisu ay gaarayaan Magaalada Marka maalmaha soo socda, isagoo sheegay inay marna hakan doonin howlgalka alsahabaab looga sifeynayo gobolka Shabeelaha Hoose.

Dhego Badan oo ah nin ku caan baxay hogaaminta Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay rajadoodu tahay in alshabaab ay maalmaha soo socda ay ka qabsadaan magaalada Marka ee xarunta u ah Gobolka Shabeelaha Hoose.

'' Waxaan hada aan hadlayo ka imaaday Nomber 50 , wax jooga ma jiraan, ciidamadeena halki ay qabsadeen ayay daafac kaga jiraan , sida Muuri iyo Laanta Buuro, iyo meelihi ay tababarka u isticmaali jireen, anaga ayaa gacanta ku heyna '' waxaa sidaa yiri Dhego Badan Abaanduulaha Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya.

Waxaa uu sido kale sheegay inaan la qarin doonin deegaanada ay ciidamada Xooga dalka ku wajahan yihiin , isago sheegay meel kasta oo ay joogaan alshabaab ay gaari doonaan .

Hadalka abaandulaha ayaa imaanay xili malintii shalay ahayd ay la wareegeen deegaano ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose , waxayna wali sii wadaan howlgalkoodi ay kula dagaalamayeen Alshabaab oo mudo ka soo talinayay dhul badan oo ka tirsan Soomaaliya.

 

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012