Dawlada Itoobiya oo sheegtay iney ka warbixin doonta caafimaadka ee Melaz Zanawi
Views:105 | Sunday, July 22nd, 2012 | By somaliradio
Kadib markii todobaadkii tagay laysla dhexmarayey sida ay tahay xaalada caafimaad ee ra'iisul wasaaraha dalka Itoobiya melese Zenawi, ayey ugu dambayn sheegtay dawlada Itoobiya iney ka warbixin doonto guud ahaan xaalada Caafimaad ee Melaz, iyo nolosha ra'iisul wasaaraha.
Ra'iisul wasaare ku xigeenka Itoobiya ahna wasiirka arimaha dibada Hailemariam Desalegne ayaa markii ugu horeysay sheegay inuu Meles Zenawi xanuunsan yahay, balse wax intaas dhaafsiisan ma uusan sheegin, sidoo kale Hailemariam Desalegne ayaa balan qaaday iney dawladiisu qabanayaan shir jaraa'id si ay uga dadka ugu sheegaan caafimaadka Ra'iisul wasaaraha.
Ra'iisul wasaaraha oo aan lagu arag goobaha siyaasada labadii todobaad ee tagay ayaa aad layskula dhexmarayey siday tahay xaaladiisa caafimaad, iyadoo meelaha qaarna laguba sheegay inuu xilkii ka dagay, ama ugu yaraan uusanba dalka gudahiisa joogin.
Dhinaca kale wareysi uu siiyey laanta afka Amxaariga ee idaacada VOA-da ayuu safiir Getachew Reda qeexay dhabnimada arintan, balse isna wax intaas dhaafsiisan ma uusan ku darin.
Sida ay sheegayaan ilaha qaarna, Ra'iisul wasaaraha Itoobiya Melaz Zanawi ayaa lagu daweynayaan cisbitaal ku yaalo magaalada Barasalis.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
