Rajada dowladda ee Kulanka Odayaasha Dhaqanka
Views:88 | Sunday, July 22nd, 2012 | By somaliradio

Dowladda Somaliya ayaa rajo wanaagsan ka muujineyso in kulanka ansixinta dastuurka uu si rasmi ah uga furmi doono muqdisho kaasoo uu ku tilmaamay sidoo kale inuu si wanaagsan kusoo gabagaboobi doono.

Wasiirka Dastuurka iyo arrimaha Federalka ee Dowladda KMG Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil oo lahadlay warbaahinta gudaha Somaliya ka howlgasho ayaa tibaaxay inay tahay rajadiisu inuu beri furmo shirka ansixinta dastuurka Somaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in Odayaasha ay wadaan diiwaan gallinta Ergada islamarkaana Ergooyin kala duwan ay ka kala imaanayaan Puntland iyo Magaalada Nairobi kuwaasi oo qeyb ka noqonaya kullanka lagu ansixinaayo dastuurka.

C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa waxa uu sheegay Odayaasha dhaqanka sidoo kale ay ku howlan yihiin xulidda barlamanka cusub oo uu yeesho dalka islamarkaana sida uu sheegay ay dhamaan doonaan howsha culus ee u taalla barlamanka.

Kullankii lagu ansixin lahaa Dastuurka ayaa markii labaad shalay dib u dhac ku yimid sababo la xiriira in wali Odayaasha aysan soo bandhigin Ergadii ansixin laheyd Dastuurka, waxaana Madaxweynaha, Ra’iisul wasaaaraha iyo guddoomiyaha barlamanka ay ka dalbadeen Odayaasha inay de dejiyaan dhameystirka howshaasi.  

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012