AMISOM oo lagu taageeray lacag Gaareyso...............
Views:89 | Sunday, July 22nd, 2012 | By somaliradio

Warbixin uu taabacay wargeyska The Wall Street Journal ayaa lagu sheegay in dowladda Maraykanka ay Kenya ku taageertay 8-ka mid ah diyaaradaha dagaalka aan duuliyaha lahayn ee Droneska, kuwaas oo uu joornaalku sheegay inuu ka soo xigtay saraakiil ka tirsan wasaaradda difaaca Maraykanka.

Sidoo kale wargeyska The Wall Street Journal waxa uu daabacay in Maraykanku uu ciidamada Kenya ka gacan siin doono bartilmaameedyada u baahan in la garaaco ee ay shabaabku ku leeyihiin Soomaaliya, wuxuuna Wargeysku intaasi ku daray in saraakiisha u hadashay dowladda Maraykanka ay sheegeen in diyaaradahan ay qeyb ka yihiin kaalmo dhan $41.4 million oo isugu jirta gawaarida lagu qaado ciidamada, qalab isgaarsiineed iyo hub kale oo Maraykanku siinaayo ciidamada AMISOM ee ka kala socda dalalka Burundi, Jabuuti iyo Yugandha.

“Diyaaradahan Ravens ma ahan kuwo loogu talagalay ciidanka ee waxa loo adeegsan doonaa in lagu cadeeyo meelaha weerarada lagu qaadayo gaar ahaan ciidanka dhulka jooga ay caawin doonaan ama kuwa circa” ayey yiraahdeen saraakiisha la hadlay Wargeyska, waxaana dhinaca kale dukumenti laga helay Pentagon-ka Mareykanka uu sheegayaa in tallaabadan ay tahay sidii loo caawin lahaa ciidanka Kenya oo hadda dagaalo ka wada koonfurta Soomaaliya, kuwaas oo in ka badan sanad soo dhaafi la’a deegano ka tirsan gobalada Jubbooyinka oo ay ku dagaalamayaan Al-Shabaab.

Diyaaradaha Kenya la siinayo ee loo yaqaan The Ravens, waxay qeyb ka tahay miisaaniyad la siiyey ciidanka ku jira howlgalka AMISOM ee Soomaaliya, kuwaas oo kala ah Kenya, Burundi, Jabuuti iyo Yugandha, waxana miisaaniyaddaasi ay gaareysaa illaa $41.4 milyan oo lagu taageerayo dhammaan ciidamada AMISOM.

Diyaaradahan nooca The Raven ayaa culeyskooda gaarayaan ilaa 4.2-pounds iyo garbahooda ay gaareysaa 4.5, waxaana horey ciidanka Mareekanka ay u isticmaaleen dalka Afghanistan, diyaaradaha waxa lagu farsameeyay California gaar ahaan deeganka AeroVironment, waxaana adeegsaday 18-wadan iyadoo laga iibiyay dalal caalamka ku yaala sida Talyaaniga, Denmark, Netherlands, Spain, France, Norway, the Czech Republic, Thailand iyo Australia, sida ay sheegtay shirkada sameesay diyaaradahan. 

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012