Maxaabiis xoog looga furtay ciidamada Dowladda Somaliya.
Views:102 | Sunday, July 22nd, 2012 | By somaliradio
Koox mleeshiyo ah oo ka mid ah maleeshiyooyinka taabacsan DKMG ah ayaa maanta duhurkii xoog ku furtay saddex maxaabiis aj oo ciidaada amaanka ee degmada Hodan ay soo qabteen oo loo waday xabsiga dhexe ee magaalada Muqdisho.
Maleeshiyada oo ku hubeysneyd hubka fudud isla markaana wadatay dharka tuutaha ee ciidamada militariga ayaa soo weerartay baabuur lagu waday maxaabiista saddexda ah oo uu la socday gudoomiyaha degmada Hodan Cabdi Warsame Dhabaney, kuwaasoo marauyey wadada Maka Al Mukarama.
Iska iska horimaad dhexmaray ciidamada la socday gudoomiyaha degmada Hodan iyo kooxdii soo weerartay ayaa sababay dhimsjhadahal ruux iyo dhaawaca shan ruux oo kale oo qaarkood ay jiireen baabuur iskudhacday markii rasasta ay bilaabatay.
Goob jooge ku sugnaa agagaarka goobta uu falku ka dhacay ayaa Raxanreeb u sheegay in saddexda maxaabiista ah oo ahayd maleeshiyo lagu soo qabtay falal amaandarro ay baxsadeen kadib markii weerarku bilawday, waxaana markiiba ay raaceen baabuur kale oo ay wateen kooxda weerarka soo qaaday oo sida la sheegay isku heyb ahaayeen.
Ma jiro cid ka tirsan laamaha amaanka ee Dawlada oo ka hadlay falkan ay geysteen kooxda maleeshiyada ah ee ay ku furteen maxaabiis ciidamada amaanku soo qabteen. Hase yeeshee falal midan la mid ah ayaa ka dhacay horey magaalada Muqdisho.
Booliska degmada Hodan ayaa dhowaan qabtay saddex nin oo hubneysan oo horey u togtay taliye ku xigeenkii saldhiga degmada xilli uu iskudayay inuu dad shacab ah ka badbaadiyo kooxda maleeshiyada ah oo rabtay inay lacag baad ah ka qaataan.
Amaanka magaalada Muqdisho oo hadda ay gacanta ku wada heyso DKMG ah ayaan ayaa waxaa caqabad weyn ku ah kooxaha maleeshiyaadka oo wada hubeysan isla markaana sheegta inay ka tirsan yihiin ciidamada dawlada.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
