Xildhibaanada Barlamaaka lasoo magacaabi doono oo tiradooda la kordhiyay.
Views:101 | Sunday, July 22nd, 2012 | By somaliradio
Warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay oo ku dhow-dhow saxiixayaasha Road Map-ka ayaa sheegaya inay ogolaadeen in la kordhiyo tirada Xildhibaanada Baarlamanka lana gaarsiinayo 275-xubnood, taasoo ay horay u dalbadeen hogaamiyeyaasha dhaqanka ee ku shirsan magaalada Muqdisho.
Sida warku sheegayo tiradan oo ay horay uga biyo deedeen qaar ka mid ah saxiixayaasha Road Map-ka sida madaxweynaha Puntland ayaa la sheegay inay hadda ogolaadeen ka dib wadahalo laga dhex sameeyay dhinacyada diidan iyo kuwa ogol, taasoo keentay in ugu dambeyntii ay ogolaadaan xubnihii diidanaa sida warku sheegayo.
Warku wuxuu intaasi ku darayaa in mid mid ah saxiixayaasha Road Map-ka oo ah madaxweyne Faroole oo inta badan ka biyo diidayey in tirada Xildhibaanada la gaarsiiyo 275 uu aaqirkii ogolaaday in tirada xildhibaanada cusub la gaarsiiyo 275-xubnood, taasoo wax ka bedelaysa tiradii ay horey ugu heshiiyeen saxiixayaasha oo aheyd 225 xildhibaan.
Arrintan ayaa waxay ka mid aheyd sadex qodob oo ay horay u soo jeediyeen Odayaasha dhaqanka ee ku shirsan magaalada Muqdisho, kuwaasoo kala ahaa in la kordhiyo tirada Xildhibaanada lana gaarsiiyo 275, in la sameeyo Gole Guurti iyo in qodobada dastuurka ee diinta ka horimaanaya laga saaro labada qodob ee dambe weli waxba lagama qaban.
Odayaasha dhaqanka ayaa dhowaan waay sheegeen in wax qeybsiga beelaha ay dhibaato ka taagantahay marka la eego tirada xildhibaanada ee 225-ta xubnood ee ay horay iskula afgarteen saxiixayaasha Road Madp-ka, iyagoo soo jeediyey in la gaarsiiyo 275 xunbood si beelaha loo wada qanciyo.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
