Afhayeen loo doortay Shirka ansixinta Dastuura Somaliya.
Views:91 | Thursday, July 26th, 2012 | By somaliradio
Waxaa Maanta maalintii labaad galay shirka ansixinta Dastuurka Soomaaliya kaasoo shalay si rasmi ah uga furmay magaalada Muqdisho gaar ahaan xarunta Akademiyaha ee Jen.kaahiye ee degmada Xamar jajab.
Wararkii ugu dambeeyay ee aan saaka ka heleyno ayaa sheegaya in Wasiirka Dastuurka Dowlada KMG ah laga dhigay shir gudoon islamarkaana uu khudbad u jeediyay ergooyinka shirka ka qeybgalaya.
Wasiirla dastuurka wuxuu u sheegay ergooyinka in guruub guruub loo kala bixi doono si ay koox kasta gooni ugu shorto iyadoo ujeedku yahayinay dastuurka u kuur galaan qaabka uu u qoran yahay si ay talo uga bixiyaan.
Wasiirka oo u muuqday inuu u meerinayo erooyinka qaabka shirka soconayo ayaa su’aalo badan waxaa weydiinayay saaka ergooyinka kuwaasoo u badbnaa habka dastuurku u qoran yahay gaar ahaan qaladaadka ka buuxa dastuurka.
waxyaabaha kale ee shirka saaka la hadal hayo ayaa in la baabi’iyo guud ahaan adegsiga 4.5 islamarkaana beelaha Soomaaliyeed ay si siman oo 5 qeyb ah wax ku qeybsadan.
Furitaankii shalay ee shirka ansixinta dastuurka waxaa ka qebgalay madaxda ugu sareysa Dowlada sida Madaxweynaha,Ra’iisulwasaaraha,Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo waliba dblomaasiyiin shisheeye sida safiirada dalalka ay safaaradaha uga furan yihiin soomaaliya iyo waliba danjiraha qaramada Midoobe ee arimaha Soomaaliya.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
