Dowladda Somaliya oo soo dhaweysay xarigga saraakiil Baydhabo laga qabtay.
Views:84 | Thursday, July 26th, 2012 | By somaliradio

Dowladda KMG Soomaaliya ayaa ka hadashay Xarig maalin ka hor gudaha magaalada Baydhabo loogu geystay labo kamid ah saraakiisha dowladda, waxa ayna dowladdu soo dhoweeysay xarigaas loo geystay saraakiisha.

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Baydhabo ayaa 24-kii bishan aynu ku jirno Xabsiga u taxaabtay Saraakiil maamulka Baydhabo ka tirsan, islamarkaana lagu soo eedeeyay falal xagga ammaan darida ah.

Adan Biid oo ah taliyaha Booliska ciidamada Baydhabo iyo Aden Doodishe oo isaguna ahaa taliyaha ciidamada dowladda ee degmada Baydhabo ayaa xalay ku hoyaday Xabsi askarta Itoobiya ku leeyihiin xarunta Gobolka Bay.

Hadaba maanta duhurki kadib ayaa kulan uu saxaafada magaalada Baydhabo ugu qabtay gudoomiyaha degmada Baydhabo ayaa waxa uu sheegay in maamulkiisu ay soo dhoweenayaan xaritaanka saraakiisha.

Xasan Macalin Biikoole gudoomiyaha degmada Baydhabo ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in ciidamada Itoobiya aysan sabab la’aan u xirin Saraakiishaas, isagoo ku eedeeyay in ammaan xumo ay ka wadeen degmada Baydhabo.

Gudoomiyaha Caasimada gobolka Bay ayaa waxa uu kaloo ku nuuxsaday in Aden Biid iyo Aden Doodishe ay amreen ciidamada in ay kasoo qaraabtaan magaalada, kuwaasoo askartii ay fasaxeen ay dhac u geysteen dad rayid ah.

Hadalka kasoo baxay maamulka Baydhabo ee dowladda KMG Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya waqti 2daasi sargaal ay wali u xiran yihiin ciidamada Itoobiya oo horey sidan oo kale 

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012