Xeradii Daraawiishta Ee Muqdisho oo Mudo 20 sano ah kadib la furay.
Views:88 | Thursday, July 26th, 2012 | By somaliradio

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xariga ka jaray xaruntii Daraawiishta ee Cagadhiig waxaana mudaasabada xariga looga jarayay goob joog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda.

Munaasabadan xariga looga jarayey xeradii daraawiishta ee Cagadhiig oo dib loo dayactiray muddo 22 sano ah ka dib ayaa waxaa munaasabadaasi xarig jarka aheyd goob joog ka ahaa taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed S/Gaas Shariif Sheequnaa Maye, Madaxweynaha dalka Sheekh Shariif Sh Axmed, wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha Cabdi Cali Axmed, kooxda baambeyda iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada qalabka sida.

Mudane Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya ayaa salaan ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada boolika isagoona xariga ka jaray xaruntaasi dib loogu diyaariyay ciidamada daraawiishta waxa uuna mid mid u kormeeray dhismaha xaruntaasi.

Taliyaha ciidanka booliska S/gaas Shariif Sheequnaa Maye oo hadal ka jeediyay munaasabada xariga looga jarayey xeradii daraawishta oo dhawaan dib u dayactir lagu sameeayay ayaa Madaxweynaha u sharxay qaabkii ay ugu suura gashay dhismaha xaruntani isagoo ciidamada booliska kula dardaarmay in ay waajibaadkooda si hufan u gutaan.

Sidoo kale waxa isna goobta ka hadlay wasiiru dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Cabdi Cali Axmed waxa uuna tilmaamay in ay wasaarada amniga Qaranka ay diyaar u tahay in ay gacan ka gaysato wax walba oo amaanka quseeya.

Ugu dambeyntii waxaa madasha ka hadlay hoggaamiyaha dalka Mudane Sheekh Shariif Sh Axmed waxa uuna sheegay in ay si gaar ah isha ugu hayaan ciidamada booliska isagoona ku guubaabiyay in ay u adeegaan shacabka si ay uga hortagaan wax yaabaha amaanka lidka ku ah si ay u muujiyaan kartidooda waxa uuna Madaxweyne Shariif ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay garab istaagaan lana shaqeeyaan ciidamada booliska si looga ilaaliyo waxyaabaha amaaan darada u keenaya.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012