Ergada Ansixinta oo Dastuurka lasoo dhexdhigay.
Views:76 | Thursday, July 26th, 2012 | By somaliradio

Egooyinka ka qeybgalayo shirka ansixinta dastuurka ee maalintii labaad ka socda magaalada Muqdisho ayaa maanta loo soo bandhigay dastuurka si ay u akhriyaan, ugana doodaan qodobadiisa.

Xubnaha ergooyinka ayaa mid-mid loogu sharxay qodobbada dastuurka ku jira, gaar ahaan kuwooda waa weyn oo ay tahay in ay ka falan-qoodaan maalmaha soo socda, iyadoo la faray ka qeybgalayaasha inay akhriyaan dastuurka, kana talo bixiyaan qaabkii loo meel-marin lahaa.

Wasiirka dastuurka iyo arrimaha federaalka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo ergooyinka u soo bandhigay qodobada dastuurka, mid-midna u akhriyey qaarkood ayaa sheegay in ujeedada laga leeyahay soo bandhigidda ay tahay in ergooyinku fahmaan waxa ku qoran dastuurka, doodna ka yeeshaan.

Wasiiradda haweenka iyo arrimaha qoyska, Marwan Aweys oo iyaduna ka hadashay shirka ayaa sheegtay in ergooyinka ay mas’uuliyad ka saaran tahay dastuurka iyo oggolaanshihiisa, wixii aan ummadda u wanaagsaneyna ka saaraan.

Shirka waxaa ka qeybgalaya 825-xubnood oo ah ergada ansixinta qabyo qoraalka dastuurka

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012