Boolis lagu tababarayo magalada Beledweyne
Views:86 | Thursday, July 26th, 2012 | By somaliradio

Askar ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ee gobolka Hiiraan oo gaareysa 180 ayaa maanta tababar socon doono muddo 25-cisho ah uga furmay magaalada Beledweyne.

Ciidamadan oo ah booliis si gaar ah loo soo xulay ayaa loo tababarayaa in ay sugaan ammaanka Beledweyne, waxna ka qabtaan dhibaatooyinka amni xumo ee magaalada ka jira.

Taliyaha saldhigga booliiska Beledweyne oo uu tababarku ka furmay, Cali Cabdi (Mahad Alle) ayaa sheegay in marka ay tababarka dhameystaan ciidamada ay la wareegi doonaan ammaanka magaalada, isagoo rajo ka muujiyey in wixii xilligaas ka dambeeyo aanu dhici doonin fal ammaanka lidi ku ah.

Ka howlgelidda ciidamo amniga qaabilsan gudaha magaalada Beledweyne ayaa la saadaalinayaa in ay wax badan ka beddeli doono nabadgelyo xumada oo marar badan sababtay in ay dhaceen dilal qorsheysan.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012