Qorshaha Cusub ee Al-shabaab ee Somaliya, iyo maamulo ay u magacaabeen Gobolada Somaliya.
Views:97 | Thursday, July 26th, 2012 | By somaliradio

Shabakadda somaliradio.net ayaa heshay Xog culus oo dhowaantan ay baahiyeen qaar ka tirsan Wakaladaha waa weyn, kuwaasoo sheegayya in Shaxdii hore ee AL Shabaab la badalay, islamarkaana Shax cusub ay Shabaab keentay.

17-ka bisha Jun ee 2012 ayaa Saraakiisha ugu sareeysa ururka xarakada AL Shabaab oo uu ugu horeeyo hogaankooda Abuu Zubeyr kulan ku yeesheen magaalada Qadiimiga ah ee Baraawe oo Sh/hoose ka tirsan.

Kulankaasi waxaa la isku afgartay in qaab dhismeedka AL Shabaab wax ka badal lagu saameeyo, maadaama Waayahan dambe laga qabsanaayo dhulal muhiim ah, waxaana kulanka laga soo saaray Shaxda cusub ee AL Shabaab ciyaari doonto.

Waxaan halkaan idinku soo gudbineeynaa Saraakiisha loo kala magacaabay in ay qabtaan ama madax ka noqdaan Gobolada kala duwan ee dalka Soomaaliya, waxaana markan doorkiisa ciyaaraya Hogaanka Al Shabaab Axmed Cabdi Godane.

JUBADA HOOSE+JUBADA DHEXE:-: (A) Axmed Cabdi Godane-Hogaan”Gaaljecel”, (B) Xasan Yacquub Cali”Eelay”, (C) Cabdullahi Dige Hiirow”Hawiye-Mursade”.

MUDUG+HIIRAAN+GALGADUUD:- (a) Yuusuf Cali Ugaas-Madaxa Hawlgalada Gobolka Hiiraan”Hawiye-Xawaadle”, (b) Cawil Godac”Hawiye-Saleebaan, (c) Fuad Maxamed Qalaf Shongole”Daarood-Owrtable”, (d) Cabdi Shakuur Cali Cumar”Hawiye-Habargidir-Sacad”.

MUQDISHO+SHABEELOOYINKA:- (A) Sheekh Maxamed Cabdullahi Xiirey-Hogaamiye”Sheekhaash-Qudub”, (B) Maxamed Xasan Cumar Abuu C/raxmaan Wakiilkii Shabaab ee Gobolka Banaadir haatanna loo badalay Madaxa Militeriga iyo Logistics”Habargidir-Ceyr”, (C) Yuusuf Ciise Kabakutukade”Abgaal-Waceysle”, (D) Macalin Maxamed Cabdulle-Madaxa Hawl Fulinta”Hawiye-Abgaal”.

BAY+BAKOOL+GEDO:- (a) Mahad Cumar Cabdi Kariin-Hogaamiye”Dirr”, (b) Qaliif Maxamed Warsame-Madaxa Hawlgalada G/gedo”Habargidir-Ceyr”, (c) Macalin Janow-Madaxa hawlgalinta gobolada Bay iyo Bakool”Eelaay”.

PUNTLAND:- (A) Yaasiin Cusmaan Khaalid Kilwe-Hogaamiye”Daarood-Warsangali”, (B) Sheekh C/qaadir Cali Muumin”Majeerteen-Cali Saleebaan.

Qaab dhismeedkan ee AL Shabaab ayaa noqon kara mid wax ka badala saaxada dagaalka oo ay macquul tahay in ay dib u soo xoogeystaan lakin waxaa xusid mudan in Gobolada Somaliland maamusho aan lagu soo darin meelaha Shabaab ay Targedka saareen.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012