Jowhar oo qarka u saaran dagaal kadib markii ay AMISOM iyo dowladda ku durkeen.
Views:73 | Friday, July 27th, 2012 | By somaliradio

Wararka naga soo gaaraya qeybo kamid ah Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegay in ciidamada dowlada KMG iyo kuwa Amisom ay kusii siqayaan deegaano hor leh oo katirsan gobolka Sh/Dhexe.

Ciidamada iskaashanaya ee dowlada KMG iyo Amisom ayaa lasoo sheegayaa in ay gaareen deegaano udhaxeeya Magaaladda Jowhar iyo Degmada Balcad.

Saraakiil katirsan ciidamada xooga dalka ayaa sheegay in ciidamadooda ay gaareen deegaanka Daani oo udhaxeeya degmada Jowhar iyo Balcad.

“Ciidamada Amisom iyo kuwa dowlada waxaa ay sameeyeen howlgalo ay kooxaha nabad diidka ah kaga saarayo qeybo kamid ah Sh.Dhexe waxaana haatan gaarnay deegaanka Daani’ayuu sheegay Taliyaha Guutada 1-aad ee Ciidamada xoogga dalka Kornel Saney.

Waxaa uu sheegay in ay ka go’an tahay in ciidamadooda ay gaaraan deegaanada ay Shabaab kaga sugan yihiin Sh/Dhexe.

“Qorshaheena waa in aan mudo gaaban Shabaab kaga saarnaa Sh/Dhexe iyo guud ahaan deegaanada ay kusugan yihiin”ayuu hadalkiisa raaciyay Col Saney.

Hadalka Taliska Militeriga dowlada ayaa kusoo aadaya xili Shabaab ay iyagana sheegene in ay iska difaacayaan weerarada kaga imaanaya Amisom iyo dowlada.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012