Wal wal laga muujiyay diyaaradaha Duuliya la'aanta ah ee AMISOM dhowan lasiiyay.
Views:82 | Sunday, July 29th, 2012 | By somaliradio
Ciidamada AMISOM ayaa walaac ka muujiyay diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee Drone loo yaqaano, kaasoo Mareykanka u isticmaalo howl galada ka dhan ah ah Ururka Al-Qaacida.
Warbixin dhowaan ka soo baxday Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in horaantii sanadkan ay ku sigatay in diyaarad rakaab ah oo ay saarnaayeen boqolaal ka tirsan Ciidamada AMISOM inay ku dhacdo Diyaarad kuwa aan duuliyaha laheyn.
Taliyaha AMISOM ayaa warqad qoraal ah oo uu u qoray Qaramada Midoobey ku dalbaday in laga taxadaro qatarta shirla ceynkaan oo kale ah, iyadoo AMISOM walaac ka muujiyay diyaaradaha duuliyaha laheyn ee Mareykanka u isticmaalo dhinaca basaaska.
Diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ayaa dhowr jeer oo hore ku soo dhacday gudaha Soomaaliya, iyadoo tii u dambeysay ku soo dhacday xero qaxooti, inkastoo aan wax qasaare ah geysan.
Laakiin wal walka AMISOM ka qabaan diyaaradaha ayaa ah inay howl galkooda milateri ee xilligan ka wadaan Soomaaliya inay saameyn ku yeeshaan.
Mareykanka ayaa dhowaan AMISOM ugu deeqay diyaarado duuliye la'aan ah, si howl galkooda uga qeyb qaataan, balse warbixinta Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in diyaaradaha ay xadgudub ku yihiin cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya.
Diyaaradaha aan cidina wadin ayaa weeraro ka geystay gudaha Soomaaliya, iyadoo horaantii sanadkan ay duqeyn ka geysteen Gobolka Shabellaha Hoose, markii ay gantaalo la heleen Kolonyo ay la socdeen Saraakiil Ajnabi oo ka bar bar dagaalanta Al-Shabaab.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
