Dagaal u dhexeeyo Qowmiyado xoolo dhaqato ah oo ka dilaacay Itoobiya.
Views:75 | Sunday, July 29th, 2012 | By somaliradio

Dagaalo ku dhex maray gudaha dalka Ethiopia qaar kamid ah qowmiyaha ku nool ayaa sababay in 18 ruux ay geeriyoodaan 16 kalana ay ku dhaawacmaan kumanaan ruuxna ay ka cararaan guryahooda,

Dagaaladan ayaa waxa ay sababeen in ay ka barakacaan dad tiradoodu kor u dhaafeyso illaa labaatan kun oo ruux iyagoo gudaha u galay dalka kenya si ay ugaga baxsadaan dagaalada sida ay xaqiijisey ururka laanqeyrta cas ee Kenya.

Afhayeen u hadlay Laanqeyrta cas ayaa waxa uu sheegay in weli dad badan ay ka cararayaan dagaalada inkastoo ay ciidamada Ethiopia ay ku guuleysteen inay joojiyaan dagaalada.

Iska horimaadkan ayaa waxaa uu ka dhacay deegaanka Moyale waxaana loo malaynayaa in uu ka dhashay khilaaf dhinaca dhulka ah.

Iska horimaadkan oo dhex maray qowmiyadaha Borana iyo Garri ayaa waxaa uu bilowday bartamihii toddobaadkan isagoo socday illaa iyo jimcihii.

Warar ayaa sheegaya in maleeshiyo hubeysan ay tuulooyin badan fariisimo ka dhigteen iyadoo deegaanka Moyale oo ku yaal xadka kala qeybiya dalalka Ethiopia iyo Kenya ay dagaaladan saameyn ku yeesheen.

Qaar badan oo ka mid ah dadka ka cararay dagaaladan ayaa waxa ay hoydaan meel banaan ah oo ah gudaha dalka Kenya. Laanqeyrta Cas ee Caalamiga ah ayaa bilowday haatan inay gaarsiiso dadkaas cunto biyo iyo baco.

Dagaalada xoolo dhaqatada dhex mara ayaa ah kuwo mar kasta ka dhaca wadamada Kenya,Somaliya iyo Ethiopia.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012