Xanuunka Melas Zanawi iyo saameynta ay Itoobiya ku yeelatay.(WARBIXIN)
Views:85 | Sunday, July 29th, 2012 | By somaliradio
Iyadoo uusan xafiiskiisa soo xaadirin mudo ka badan bil ayaa aad loo hadal hayaa guud ahaan sidey tahay, iyo halkuu ku dambeeyey xaalada ra'iisul wasaare Meles Zenawi.
Ra'iisul wasaaraha oo aan ka soo xaadirin xafiiskiisa ayaa aad layskula dhexmarayaa meeshuu jaan, iyo cidib dhigey, iyadoo mucaaradkiisuna kaba sii dayriniyaan caafimaadkiisa.
Inkasta oo afhayeen u hadlay dawlada Itoobiya todobaadkii tagay uu sheegay in ra'iisul wasaaraha wali lagu daaweynayo cisbitaalka ku yaala dalka Belgium laguna magacaabo "Saint Luc University Hospital" hadana dad badan ayaa rumaysan inuu xanuunkiisu aad u daran yahay suuragalna tahay inuusan shaqdiisa dib dambe u gudan karin, balse masuuliyiinta dawlada Itoobiya ayaa wali diidan iney sidaas wax u jiraan, iyagoo warbaahinta u sheegay inuu ku guda jiro baadhis caafimaad, daaweyna ku socoto.
Ra'iisul wasaaraha oo hada da'diisu tahay 57 jir ayaa markii ugu dambaysay ee goob dadweyne lagu arko ay ahayd shirkii G-20 ee bishii June ka dhacay dalka Mexico. Wakhtigaas ayaa uu ra'iisul wasaaruhu u ekaa qof aad u xanuunsan, isagoona ay ka muuqatay inuu si weyn u caatoobey xanuunka haya dartiis.
Dhinaca kale gobolo dhowr ah ayaa la sheegayaa in dhaqaalihii ay dawlada dhexe hakad ka galisey sababo aan la shaacin dartood, deegaanka Soomaalida ayaa ka mid ah goboladaas laga joojiyey lacagtii uga imanaysay xaga dawlada dhexe.
Sidoo kale ayaa warku sheegayaa iney ciidamo ka tirsan Oramadu ay gubid kula kaceen magaalada Mooyaale ee ismaamulka Soomaalida, walina cidi ma oga sababta ay Oromadu ugu soo duushay deegaanka Mooyaale.
Warar laysla dhexmarayo magaalada Addis Ababa ayaa iyana ku waramaya inuu wadahadal u bilawday dawlada Itoobiya, iyo ururka onlf, sida warku sheegayana waxaa la filayaa iney kulan ku yeelana doonaan wadan aan wali la carabaabin.
Ugu dambayn dawlada deegaanka ayaa laga cabsi qabaa iney sidii caadada u ahayd ay xagal daacin, iyo minja xaabin kula kacaan wada hadaladan nabadeed, taaso sidey horeyba u sameeyeen dad badan iska soo xidhxidhi doona, dadkaasina haba u bataan gobolka Dhagaxbuure. Arintan oo haday sidaas u dhacdo noqon doonta dhibaato kale oo soo gaadhay shacabka deegaanka ee nabad buuxda iney maruun u dhalato jeelka u qaba.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
