Al-shabaab oo Jowhar faarujiyeen iyo dowladda oo kusii dhowaatay.
Views:83 | Sunday, July 29th, 2012 | By somaliradio
War Dag Dag ayaa goordhow naga soo gaarayya magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in inta badan Dagaalyahannadii AL Shabaab ee degmadaasi ay isaga baxeen.
Ciidamada xarakada AL Shabaab ee ku sugnaa magaalada Jowhar ayaa waxa ay isaga carareen degmada Jowhar, waxaana wararka la helaayo ay qeexayaan in Saraakiishii Shabaab ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ay iyaguna halkaas ka baxeen.
Qof ku sugan degmada Jowhar oo Qadka Telefonka goordhow ugu waramay Wariyaheena Muqdisho ayaa waxa uu u sheegay in Maanta duhuradii kadib ciidamo AL Shabaab ka tirsan oo wata gaadiid ay ka baxeen degmada Jowhar.
Qofkaan marqaatiga ah ayaa waxa uu dhanka kale sheegay in magaalada Jowhar hadal heynta ugu badan ay maanta tahay in ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG Soomaaliya ay qabsan rabaan magaalada.
” AL Shabaab markey baxayeen wexey inoo sheegeen in ay baxayaan lakin si Tatic ah u baxeen, soona laaban doonaan lakin wexey nooga digeen inaan Dowladda La shaqeeyno” ayuu yiri Wittnes ku sugan Jowhar.
Dhanka kale Gudoomiyaha degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxa uu qiray in ciidamadii ugu badneeyd ee AL Shabaab ay ka baxeen magaalada Jowhar, isagoo intaasi ku daray in Ciidamada huwanta ay kaabiga ku hayyaan Jowhar.
Ugu dambeyntiina AL Shabaab ayaa lagu wadaa in ay ka warbixiso dhaqdhaqaaqyada ka jira inta u dhaxeeysa deegaanka Qalimow iyo Jowhar oo ah magaalo Istiraatiiji.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
