Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul wasaaraha Ireland oo goordhow muqdisho tagay.
Views:81 | Sunday, July 29th, 2012 | By somaliradio
Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiiskii ku qaabilay wafti uu ho gaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibada iyo Ganacsiga ee Dalka Irland.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankiisa waxaa ku wehliyey Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane, Cabdiwahab Ugaas Khaliif Ugaas Xuseen, Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane: Cabdulahi Godax Bare, iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane: C/qaadir Xusein Jaahweyn.
Ugu Horayntii Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Ireland Eamon Gilmore ayaa aad u soo dhaweeyey dadaalka ay wado Xukuumada kaas oo dalka looga saarayo KMG, isagoona ku tilmaamay in ay tahay talaabo horay loo qaaday oo lagu xaqiijinayo in Soomaaliya ka dhalato dowladd rasmi ah, sidoo kole waxa uu soo hadal qaaday in Dowladda Irland ay ka wado Soomaaliya mashaariic badan kuwaas oo isugu jira dhanka Bana’adanimada iyo mashaariic lagu hormarinayo dalka.
Ra’iisul W. ku xigeenka Ireland ayaa sheegay in dhamaan deeqaha ay bixiso dowladiisu ay soo maraan EU iyo UN ayna wax weyn ay ka badashy deeqdaas Abaarihii ku dhuftay koonfurta Soomaaliya sanadkii hore, waxaa kale oo uu sheegay in nabdgalayda magaalada Muqdisho uu ku muuqdo isbadal wanaagsan dowladiisuna ku tala jirto sidii ay Soomaaliya ula samaysan lahayd heshiis wax wada qabsi mustaqbalka dhow.
Ugu Danbayntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey waftiga Irland booqashadooda isagoona sheegay in Irland safka hore kaga jirto dowladdaha ka shaqeeya horumarka Soomaaliya waxaana uu soo dhaweeyey mashaariicda kala duwan oo ay ka wadaan Soomaaliya, iyo in labada dowladood yeeshaan xariir wanaagsan. Sdioo kale Ra’iisul wasaare Gaas wuxuu warbixin kooban ka siiyey Waftiga isbadala siyaadeed oo dalka ka socda iyo in loo fadhiyo ansixintii Dastuurka si Soomaaliya 20 Augst uga baxdo KMG.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
