ONLF oo si kulul uga jawaabtay qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arimaha Dibadda ee dalka Ethiopia.
Views:79 | Monday, July 30th, 2012 | By somaliradio
maalmo ka hor ayay Wasaaradda arimaha dibada ee dalka Ethiopia ay soo saartay qoaal ay ugu jawaabaysay hay’ada xuquuqul insaanka ee HRW kaasoo ay ku xustay dhexdiisa in ay wadahal ay hubka ku dhigayaan uu u socdo jabhada ONLF.
Hadaba jabhadda ONLF ayaa qoraal ay maanta soo saartay ku sheegtay in uusan warkaasi waxba ka jirin.
Jabhada ONLF oo u dagaalanta xoraynta dadka Soomaalida ah ee ku nool Ogaadeenya ayaa sidii lagu yaqaanay ku celisay in aysan dagaalka ku joojinaynin wax aan ka ahayn xoriyad aayo ka tashi oo ay helaan shacabka Ogaadeenya
Jabhadda ayaa sheegtay in sheeko khayaali ah oo ay Ethiopia iska dhaadhicisay ay u shaqayn wayday taasoo ahayd koox ay gacanteeda ku samaysatay oo ay ku sheegtay garab ONLF ah in ay la gasho heshiis ay iyadu soo qoratay, taasoo bay jahadu tiri shaqayn wayday.
“Kadib markii ay Ethiopia kusoo baraarugtay in uu shaqayn waayay khayaaligii ay iska dhaadhicisay, dadka Ogaadeenyana inaysan ka gadmaynin dacaayadii raqiiska ahayd ayay Ethiopia iyagoo xaqiiqsaday in ONLF ay tahay awooda dhabta ah ee ka jirta Ogaadeenya ay Ethiopia dhinac sadexaad ka codsadeen inay gasho dhexdhexaadin taasoo ay jabhaddu aqbashay, waana intaa kaliya waxa dhacay, mana jiraan wax wada hadal ah oo socda waqti xaadirkan” ayaa lagu yidhi bayaanka jabhadda.
Jabhadda ONLF ayaa intaas ku dartay in hadalada colaad-sii-hurinta ah ee kasoo yeedhay Addis Ababa ay muujinayaan in markii horeba aysan dawladda Ethiopia diyaar u ahayn in la gaadho xal ku yimaadda wada hadal iyo si nabad ah, ujeedaduna ahayd mid guracan,
ONLF ayaa intaas ku dartay in ay u diyaar u tahay oo kaliya wadahadal dhamystiran oo u ogolaanaya shacabka Ogaadeenya xaqooda aaya-ka-tashi.
“ waxaan mar kale u xaqiijinaynaa taliska [Ethiopia] inuusan is dhimaynin halganka gobanimo-doonka ah illaa shacabka Ogaadeenya ay ka helayaan xaqooda oo buuxa” ayay tiri jabhadda ONLF.
Sida ay warbaahinta Ogadentoday Press horay idiin kusoo gudbisay jawaabta ONLF ayaa ahayd mid aad loo sugayay iyadoo la filayay in sidii caadada u ahayd jabhaddu ay si cad cad uga jawaabi doonto warka kasoo yeedhay wasaaradda arimaha dibadda ee dalka Ethiopia.
Maamlamaha soo socda ayaa la filayaa in ay warar dheeri ah kasoo baxaan labad dhinac oo ku saabsan halka uu ku dambayn doono hindise wada hadal dhex mara jabhadda iyo dawladda Ethiopia oo ay hormuud u ahayd dawlad miisaan leh oo Afrikaan ah.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
