Guddigii qaabilsan maareynta dhaqaalaha Soomaaliya oo UN ka sameyneyso.
Views:79 | Monday, July 30th, 2012 | By somaliradio

Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horeysay waxay shaaca ka qaaday in si degdeg ah loo sameyn doono Guddigii qaabilsanaa maareynta dhaqaalaha Soomaaliya ee lagu heshiiyey shirarkii ka kala dhacay dalalka Ingiriiska iyo Turkiga ee loo qabtay dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Danjire Mahiga ayaa sheegay in la sameyn doono Guddigii wadajirka ahaa ee maamulka maaliyadda dalka Soomaaliya, kaas oo uu sheegay inuu ka soo baxay shirkii London ee 23-kii Febraayo iyo kii Istanbul ee bishii June qabsoomay, shirarkaas oo dhamaantood lagu lafaguray marxaladda cusub ee Soomaaliya.

Danjire Mahiga oo wariyaashu weydiiyeen doorashada madaxda cusub ee dawlada iyo dhameynta mudada kalaguurka ee loo yaqaano {Transition period} ayaa si cad u sheegay in dhameynta mudada kalaguurka ay ku dhaceyso 20-ka Agoosto ka dibna la dooran doono Baarlamaan iyo dowlad leh Madaxweyne iyo Gole wasiiro, laakiin wuxuu adeegsaday in dowladaasi ay tahay Interim administration oo micnaheedu yahay maamul ku meel gaar ah”, wuxuuna xusay in Soomaaliya ay hadda mareyso meel aad u wanaagsan waayo ayuu yiri “Sanado ka hor Soomaaliya waxaa loo yaqaanay dal fashilmay’ madaafiicda ayaa ku dhacaysay aqalka madaxtooyada, maantase doorasho Madaxweyne iyo ansixinta dastuurka ayaa ka dhacaysa Muqdisho.

Sida uu sheegay Augustine Mahiga waxay guddigan qaabilsan maaliyadda Soomaaliya ay ka koobnaan doonaan khubaro Soomaali iyo ajnabi isugu jira, waxaana ka mid ah xafiiska UNPOS ee siyaasadda u qaabilsan Qaramada Midoobay, waxayna howsha Guddigan noqon doontaa inay maareeyaan wixii dhaqaale ah ee gudaha iyo dibadda ka soo gala dowladda si aysan u dhicin in la musuqmaasuqo.

“Waxaa jiri doona boono ama {Receipt} ay u adeegsan doonaan wax kasta oo lacag ah oo dowladda soo gala ama la bixiyo si loo helo faahfaahin iyo raadraac muuqda oo lagu xisaabtami karo marka loo baahdo” ayuu yiri Mahiga oo intaasi ku daray inaysan dhici doonin wixii haatan ka dambeeya lunsasho iyo ku takrifal hantida ummadda Soomaaliyeed.

Dhanka kale wuxuu danjire Mahiga sheegay in eedeymaha musuqmaasuqa ee loo heysto madaxda DKMG ah ee hadda jirta ay yihiin kuwo ka soo baxay guddi uu xilsaartay Golaha Amaanka, dhowaana laga doodi doono eedeymaha ku jira warbixintaasi iyo sida tallaabo looga qaadi karo dadka la eedeeyaay, wuxuuna kula taliyey madaxda la eedeeyay inay keensadaan cadeymo ku filan inay isku difaacaan.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012