Shuruudaha lagu xiray qof ka doonayo inuu xildhibaan kanoqdo Somaliya.
Views:74 | Monday, July 30th, 2012 | By somaliradio

Iyadoo uu bilowday qorista Xildhibaanada cusub ee ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub ee soo socda ee ay yeelaneyso dowladda Soomaaliya ayaa waxaa soo baxaya shuruudo lagu xirayo qofka ka mid noqonaya Baarlamaanka cusub, kuwaas oo ay horay ugu soo heshiiyeen saxiixayaasha Road Map-ka iyo kooxda xiriirka Soomaaliya ee loo yaqaano ICG.

Shuruudahan ayaa waxaa ka mid ah in qofka noqonaya Xildhihaanka cusub uu heysto ugu yaraan shahaado dugsi sare, sidoo kalema uusan wax dembi ah dalka ka gellin, iyadoo dadiisu laga doonayo inay u dhaxeyso 25 illaa 75-sano jir, wixii intaas ka yar ama ka weynna aan la aqbali doonin.

Sidoo kale waxaa jira qodob aan la soo bandhigin weli kana mid ahaa heshiiskii ay ICG-da iyo saxiixayaasha Road Map-ku ay isku afgarteen kaas oo ahaa in Xildhibaanada hadda jooga ee ka mid ah dowladda KMG uusan midna ka soo noqon, inkastoo qodobkaasi la isku afgaranwaayey, haddana waxaa la sheegay in tiro yar oo kooban laga soo celiyo Baarlamaankaasi haddiiba laga maarmi-waayo.

Qodobka ah waa inuusan dembi ka gellin dalka ayaa la sheegay inuu salfan doono xubno badan oo caan ka ah dalka Soomaaliya, inkastoo aan la sheegin dembiyada looga reebayo kuwa ay yihiin, waxaana jira warar sheegaya in raggaasi ay ka mid yihiin hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya ka tallinayey 17-kii sano ee la soo dhaafay. Dhinaca kale iyadoo qeybo ka mid ah ay beelaha qaarkood gudbiyeen Xildhibaanada cusub ayaa warar lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in xubno badan oo ka mid ahaa Baarlamaankii hore ay iska waayeen liiska cusub, waxaana la sheegay in mid ka mid ah beelaha oo heshay Xildhibaano ka badan 10-xildhibaan sedex keliya ay ka soo noqdeen raggii hore.

Dhanka kale dowladda KMG ayaa ka hadashay xildhibaanada la xulayo, waxayna sheegtay in lagama maarmaan ay tahay in xildhibaanadaasi laga helo aqoon iyo karti, waxaana arrinkaasi si gaar ah uga hadlay wasiiradda haweenka Xukuumadda KMG Soomaaliya Maryan Aweys Jaamac oo sheegtay in xubnaha cusub ee Baarlamaanka dalka soo geli doona lagu xulan doono karti iyo aqoon oo aanay jiri doonin in qof kasta meesha la iska keeno, waxayna intaasi ku dartay in rag iyo haweenba shuruudahaasi laga rabo.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012