Sarkaal katirsan Al-shabaab oo la sheegay inuu Gudaha u galay dalka Uganda.
Views:93 | Monday, July 30th, 2012 | By somaliradio

Ciidamada Booliska Uganda ee dhamaan magaalooyinka waa weyn ee dalkaas ayaa la sheegay in heegan buuxa la geliyey ka dib markii laamaha sirdoonka dalkaas ay shaaciyeen sawirka iyo magaca sarkaal ka tirsan Al-shabaab oo ay xuseen inuu gudaha u soo galay dalkaas.

Saraakiisha laamaha sirdoonka gudaha ee dalka Ugandha ayaa intaa ku daray in sarkaalka ka tirsan Al-shabaab ee dalkooda soo galay uu yahay nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Maxamed Al-Saalax uuna damacsan yahay inuu gudaha dalkaas ka fuliyo qaraxyo iyo weeraro lagu laayo shacabka dalkaas.

Waxay intaa ku dareen saraakiisha sirdoonka dalka Ugandha in sarkaalkan ay la socdeen rag kale oo ka tirsan Al-shabaab kuwasoo ku sugan xadka ay wadaagaan dalalka Ugandha Kenya, hase ahaatee qorsheynaya iney dalkaas gudaha u soo galaan si ay falal kharbudaad ah uga sameeyaan.

Ka dib markii uu soo baxay warkaas ayaa waxaa heegan buuxa la geliyey ciidanka Booliska dalkaas oo ninkaas sawirkiisa meel walba ku dhejiyey, dadweynaha dalkaasna ku war geliyey

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012