dagaal xoogan oo markale ka dhacay Garbohaarey.
Views:86 | Monday, July 30th, 2012 | By somaliradio

Dagaalkaani uu dhaxeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Al Shabaab ayaa waxa uu maanta mar kale ka dhacay duleedka magaalada Garbahaareey , waxaana uu ka dambeeyay markii Al Shabaab ay weerar ku qaadeen magaalada.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka oo saacado badan qaatay uu ku dhintay hal ruux mid kalana uu ku dhaawacmay kuwaasi oo ahaa ciidamada dowladda, iyadoo aan la ogeyn qasaaraha gaaray Al Shabaab. Barakac ay sameynayaan dadka ayaa wali ka soconaya magaalada Garbahaareey, waxaana Odayaasha labada dhinac ay ugu baaqayaan in dagaalka ay joojiyaan Ramadaanka awgiis.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012