Lix qof oo lagu dilay magaalada Mandhera ee dalka Kenya.
Views:80 | Monday, July 30th, 2012 | By somaliradio
Lix qof ayaa 24-kii saac ee la soo dhaafay lagu dilay deegaan lagu magacaabo Baanisa oo 200 km dhinka bari kaga beegan degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.
Labo qof xalay baa la dila, afar qof oo kalena maanta ayaa la dilay xilli ay ka qayb galayeen duugtii dadkii xalay la dilay.
Kooxda weerarka gaystay ayaa la sheegay in ay ka soo gudubtay soohdinta kala qeybisa Itoobiya iyo Kenya.
Dilalka ayaa la sheegay inay salka ku hayaan aano qabiil oo u dhaxaysa labo beelood oo Soomaali ah, taas oo in muddo ah soo jiitamaysay.
Xiisad colaadeed ayaa laga dareemayaa deegaanka Baanish, waxaana laga cabsi qabaa in isku dhaca labada beelood oo sii xoogaysto. Mas’uuliyiinta gobolka weli kama aanay hadlin weerarrada.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
