Cabdi Qaybdiid oo loo doortay Madaxweynaha Galmudug
Views:73 | Wednesday, August 1st, 2012 | By somaliradio
Cabdi Xasan Cawaale (Qeybdiid) oo ahaa Taliyihii hore Booliska Soomaaliya ayaa maanta ku guuleystay doorashadii Madaxtinimada Maamulka Galmudug, iyadoo uu noqonayo mid ka mid ah Hogaamiye kooxeedyadii hore oo xil ka qabta mid ka mid ah maamulada Soomaalida.
Doorashada madaxtinimada oo ka dhacday Koofurta Galkacyo ayaa waxaa uu Jen. Cabdi Qeybdiid kula tartamay xilka madaxtinimo ee Galmudug Madaxweyne kuxigeenkii hore Galmudug Cabdisamad Nuur Guuleed.
Gudiga doorashooyinka madaxtinimada Galmudug ayaa horay ugu asteeyay maanta inay dhacdo doorashada madaxtinimo, iyadoo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka ay u codeeyeen Jen. Cabdi Qeybdiid inuu yahay madaxweynaha cusub ee Galmudug.
Jen. Cabdi Qeybdiid ayaa ku guuleystay cododka 22-xubnood 23-ka xildhibaan oo uu ka kooban yahay Maamulka Galmudug, halka ninka la tartamayay ee Cabdisamad Nuur Guuleed uu helay hal cod.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
