Madaxweyne Shariif oo kusugan Balcad ayaa ka hadlay geerida Marshalle
Views:89 | Wednesday, August 1st, 2012 | By somaliradio
Wafdi uu hogaaminayyo Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxa ay gaareen maanta degmada Balcad oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhex dhowaanna u gacan gashay ciidamada huwanta.
Madaxweynaha ayaa Safarkiisa waxaa ku wehlinaayay Wasiirka Beeraha ahna Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Xukuumadda KMG Xuseen Maxamud Sheekh Xuseen, Abaanduulaha ciidamada xoogga Janeral Dhaga-Badan iyo saraakiil kale oo Militeriga ka tirsan.
Madaxweynaha ayaa Warshadii hore ee Dharka Balcad kulan gaar ah kula qaatay Saraakiisha AMISOM iyo maamulka dowladda KMG Soomaaliya ee degmada Balcad.
Inkastoo kulankaasi Saxaafadda goob joog ka ahayd hadana Xog hoose oo la helaayo ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweynaha uu Saraakiisha Balcad kala hadlay ammaanka degmada iyo qaabka ugu fudud ee lagu qaban karaayo Jowhar.
Dhanka kale Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa Tacsi tiiraanyo leh u diray Eheladii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee Marshaale oo xalay lagu dilay Xaafada Cali Boolaay ee D.Waabari.
” Gacan ka xaqdaran ayaa dishay Cabdi Marshaale, aad ayaan uga xunnahay dilkaas wuxuushnimada ah, anaguna waan ka tacsiyadeeyneynaa” ayuu yiri Madaxweynaha dowladda Sheekh Shariif.
Ugu dambeyntiina Madaxweynaha ayaa Galabta kusoo laabtay Muqdisho, waana Safarkii labaad oo uu ku tago degmada Balcad tan iyo dhamaadka bisha June ay Ciidamada isgabsanaya la wareegeen.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
