Ra'iisul Wasaare Gaas oo sheegay inay Somaliya ka baxday xilliga KMG ka ah.
Views:78 | Wednesday, August 1st, 2012 | By somaliradio
Raysal wasaaraha Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya Dr. C/weli Maxamed Cali gaas ayaa kadib ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya waxa uu ku dhawaaqay in Soomaaliya ay ka baxday xilligii KMG ah ee ay muddada badan kusoo jirtay.
Raysal wasaare Gaas waxa uu goob ka ahaa ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya ee maanta ka dhacay xaruta Booliska School Pulusia ee magaalada Muqdisho.
Dr C/weli Maxamed Cali gaas waxa uu si cod dheer ah u sheegay in Soomaaliya ay ka baxday xilligii KMG ahaa maanta kadibna ay tahay Dowlad buuxda oo wax la qaybsanaysa caalamka intiisa kale.
Maanta waxaa farxad weyn ii ah in aan ka baxday wakhtigii KMG ahaa kadib markii aan ansixinay dastuurkeenii cusbaa ayuu yiri Raysal wasaare.
Gaas wax auu xusay in wakhti badan, kharasha badna iyo maskax lasoo geliyey meel marinta dastuurka cusub oo maanta lagu guulaystay in la meel mariyo.
Waa talaabadii ugu muhiimsanayd Road-Mapka ee ay qaaddo Dowladda Soomaaliya waana dastuurkii labaad ee ay yeelato Soomaaliya.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
