Dawlada Itoobiya oo dib uga noqotay wada shaqayntii kala dhexeysay shirkada Petro Trans.
Views:90 | Wednesday, August 1st, 2012 | By somaliradio
Dawlada Itoobiya ayaa dib uga noqotay wada shaqayntii ay la lahayd shirkada Saliida, iyo Gaaska dabiiciga ka qodaysay gobolo ka mid ah kuwa deegaanka Soomaalida.
Sida laga soo xigtay wasiirka Macdanta ee dawlada Itoobiya haweynayda lagu magacaabo "Sinknesh Ejigu" dawlada Itoobiya ayaa gabi ahaanba xidhiidhkii u jartay shirkadan, sababta ayey wasiiradu ku sheegtay, kadib markii ay shirkada Petro Trans ay kasoo bixi weyday waajibaadkeedi dhaqaalo ee kaga aadanaa socodsiinta, iyo maalgalinta mashaariicda Gaas qodida ee ay shirkadani ka waday meelo ka mid ah gobolada deegaanka sida ceelasha jeexdin.
Wasiirada ayaa sheegtay iney shirkadani, la imanin waxaan dhaafsiisneyn waraaqo lakala saxiixdo, iyo balanqaadyo aan la fulinin.
Sidoo kale ayey dawlada Itoobiya gabi ahaanba joojisay baadhistii, iyo qodidii laga waday gobolo kale oo ka mid ah kuwa deegaanka. Shirkadan oo horey looga lahaa dalka Malaysia ayey dawlada Shiinuhu gadatay sanadkii 2010kii, iyadoo hada ay xaruunteedu tahay magaalada Hong Kong. Wali makala cada iney dawlada, iyo shirkadani dib u heshiin doonaan.
Shirkadan ayaa la filayey iney deegaanka Soomaalida kasoo saarto 4 trillion cubic feet (113 billion cubic meters) oo Gaaska dabiiciga ah, hadii uu heshiisku sidiisa ku socon lahaa.
Dhulka Soomaalida ayaa noqday meel hodan ku ah Saliida, iyo Gaaska dabiiciga ah, taasoo aysan jirin meel kale oo la mid ah, geeska Afrika. Ugu dambayn wasiirada ayaa sheegtay iney dawladeedu xaq u leedahay iney heshiiskaas dib uga noqoto, iyadoo si buuxdana loogu digey shirkadan wakhti dheerna horey loo siiyey.
Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013
Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
23rd Jan 2013
Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
16th Oct 2012
Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012
Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.
8th Oct 2012
