Haweenka Gobolada Jubboyinka oo sheegay in aanan laga qeyb gelin shirka lagu mideynaayo maamulada goboladasi.
Views:111 | Wednesday, August 1st, 2012 | By somaliradio

Halkan ka Dhageeyso

Kulan ay maanta ku yeesheen haweenka ka soo jeedo gobolada Jobboyinka iyo gedo ayaa waxay tilmaameen in in aanan laga qeyb gelin shir ay soo qaban qaabiyeen Dowladaha IGAD oo looga hadlayo sidii loo mideyn lahaa maamul goboleedyada kajiro goboladaasi.

Kulankan oo kasocdo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa ka qeyb galayo maamulada ay kamid ka yihiin, Azaniya, Ahlusunna Waljamaca, Harti Group iyo Raas Kambooni.

Haweenka ayaa tilmaamay inay iyagu yihiin kuwa keli ah ee istaahilo in lagala tashto arimaha nabadda ee Jubbooyiinka, isla markaana ay xaq u leeyihiin inay iyagu noqdaan dadka ugu horeeyo ee wax laga weydiiyo nabadda Goboladaasi.

Xaliimo Farax Godane oo kamid ahaa haweenkii shirka ka qeyb galay ayaa tibaaxday in uusan socon karin shirkaasi illaa laga qeyb geliyo haweenka, maadaama ay yihiin kuwa ay taabatay dhibaatada ka taagan halkaasi.

Faadumo Farax Adan (Fadumo Nayn"9") ayaa dhankeeda hoosta ka xariiqday inaysan marna qaadan doonin shirkaasi iyo wixii kasoo baxo, iyadoo intaasi ku dartay in haweenka Jubboyinka iyo Gedo ay yihiin kuwo siyaasadda kaalin weyn kasoo ciyaaray isla mar ahaantaasina ay yihiin kuwa keli ah ee ka shaqeynaayay Nabadda intii ay ragga hubka isu haysteen, sida ay hadalka u dhigtay.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012