Taariikhda Musharixiinta u tartameyso xilka Madaxtinimada Somaliya.
Views:162 | Wednesday, August 1st, 2012 | By somaliradio

Yeey kala yihiin musharaxiinta u taagan xilka madexweynaha ee bisha Agosto 20keeda. Hoos ka aqriso magacyadooda iyo taarikhdooda oo kooban.

1.Shariif Shiikh Axmed: Waa Madaxweynaha DKMG ah ee hadda dhacaysa. Shiikh Shariif oo ku soo caan baxay Maxaakiintii wanaaggooda la soo arkay 2006-dii, waxa uu ku hamminayaa in aysan imminka jirin qof kale oo loollan la geli kara. Shariifka waxaa la soo wariyey in uu haysto dhaqaale aad u fara badan. Wuxuu sheegan doonaa guulo iyo waxqabad uu sameeyey. Wuxuu xiriir joogta la leeyahay odoyaasha dhaqanka ee haatan fadhiya Muqdisho iyo maamullada uu taageero ka rabo. Sidoo kale wuxuu xiriir dhow la leeyahay xukuumadaha jaarka nala ah oo dhammaantood ay ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya. Wuxuu ka tirsan yahay urur diimeed la yiraahdo “Aala Sheekh” oo ay dad badan afka hu hayaan in ay door weyn ka ciyaari doonaan baarlamaanka cusub iyo sidii uu ugu soo bixi lahaa doorashada bisha siddeedaad.

2.Dr Cabdiweli Gaas: Wuxuu Raa’isal Wasaare u noqday DKMG ee Sheekh Shariif ka dib markii uu Farmaajo is-casilay. Waa aqoonyahan muddo dheer degganaa Mareykanka. Wuxuu siyaasadda soo galay oo ku-xigeen u noqday Maxamed C/llaahi Farmaajo. Wuxuu xiriir fiican la leeyahay Madexweynaha dowlad-goboleedka Puntland, mudane Faroole. C/weli Gaas wuxuu la yimid loollan siyaasadeed oo ah mid ku cusub dhagaha dadka Soomaaliyeed ka dib markii marwadiisu sameysay qaab u eg sida ololaha reer galbeedka oo ay ka bilowday waddammada ugu badan Soomaalida qurbaha. Marwada R/wasaaraha waxa ay sheegtay in uu C/weli istaahilo in loo doorto xilka madexweynaha. Waxa ay dhowr jeer loollanka ololaheeda dibadda ku sheegtay in seygeeda uu ka fiicnaan doono Madexweyne Shariif marka loo eego xagga wax qabadka iyo nabadeynta.

3.Shariif Xasan Shiikh Aaden: Waa Guddoomiye hadda lagu muransan yahay xilkiisa. Waxa uu soo qabtay jagooyin kala duwan sida guddoomiyihii hore ee baarlamaanka xukuumaddii (AUN) C/laahi Yuusuf iyo Cali Geeddi, iyo wasiirka maaliyadda xukuumaddii Shariifka iyo Cumar C/rashiid Cali. Waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay nin aan si fudud ku harin oo si adag ugu dhega jagada uu rabo, weliba marna ma tanaasulo. Wuxuu taageero badan ka haystaa odoyaasha dhaqanka beesha uu ka soo jeedo. Badanaa olole weyn ma sameeyo. Waa nin badanaa qariya siyaasaddiisa. Shariif Xasan wuxuu isticmaalaa taatiko aan la fahmi karayn oo uu xukuumad walba kula joogo, mar walba qalalaasaha siyaasada wuu ka badbaadaa.

4.Maxamed C/laahi Farmaajo: Wuxuu ahaa Ra’iisal Wasaarihii hore ee DKMG. Farmaajo waa aqoonyahan wax badan ku noolaa dalka Mareykanka. Waxay isaga iyo qaar ka mid ah xukuumaddiisii ku dhawaaqeen xisbi la yiraahdo “TAYO” ka dib markii uu iska casilay xilkiisii R/wasaaraha. Mudane Farmaajo xilligii uu ahaa R/wasaare ama Wasiirka Koowaad waxaa lagu xasuustaa in uu la yimid qorshe ka duwan xukuumadihii isaga ka horreeyay. Wuxuu bilaabay inuu mushaar joogto ah siiyo qeybaha kala duwan ee shaqaalaha dowladda. Wuxuu la yimid maamul-wanaag iyo in la xisaabtamo, wuxuu yareeyay musuqmaasuqii lagu bartay xukuumadihii hore. Dadweynihii oo dhan gaar ahaan kuwa caasumadda Muqdisho ayaa aad ugu riyaaqay. Mudaaharaad badan ayaa loo sameeyey markii uu isu casilay labada shariif iyo Mahiga awgood. Maxamed Farmaajo iyo golihiisii wasiirrada marna isuguma aysan dhicin sidii kuwii ka horreeyey oo kale. Wuxuu aad uga dagaallamaa mabda’a afar-dhibic-shan. Farmaajo iskuma fiicna wakiilka Qarammada Midoobay ee Soomaaliya, Agostina Mahiga, laakiin waa musharrax taageero badan ka heysta qeybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan qurba joogta.

5.Prof Axmed Ismaaciil Samatar: Waa aqoonyahan iyo bare jaamacad oo muddo deggan Mareykanka. Wuxuu ka mid yahay aasaasayaashii xisbiga “Hiil Qaran” oo ah urur ay ku mideysan yihiin dad badan. Wuxuu ka soo shaqeeyay idaacadaha Raadiyo Muqdisho iyo BBC Somali sannadihii 60-maadkii. Prof Axmed Samatar siduu ku caan baxay waa nin ay ku weyn tahay Soomaalinnimada, inta badan waa nin aan hadalka la gabban. Wuxuu aad u dhaliilaa dowladda Itoobiya iyo weliba howlgallada ay AMISOM ka waddo gudaha Soomaaliya. Wuxuu ka soo horjeedaa kala go’idda Soomaalida oo hankiisuna waa Soomaali-weyn adduunka la jaanqaadda. Wuxuu farta ku fiiqaa marin-habaabinta iyo shirqoollada Soomaaliya laga wado. Dad badan baa aamminsan in uu yahay nin waddani ah laakiinse aan xilligiisii weli la gaarin; xilligiisu wuxuu noqon karaa marka ay dadka Soomaaliyeed ka baxaan mabda’a beelaha ku dhisan iyo awood-qeybsiga.

6.C/llaahi Axmed Caddoow: Waa ruugcaddaa siyaasad iyo maamul wax badan ku soo jiray oo deggan waddanka Mareykanka. Wuxuu ka tirsanaa xukuumaddii (AUN) Maxamed Siyaad ee waddanka muddo dheer soo hoggaamisay. Mar wasiir buu ahaa marna diblumaasi safaaradeed. Badanaaba Soomaaliya ma joogo laakiinse mar walba oo ay doorasho dhaceyso ayuu yimaadaa. C/llaahi Caddoow wuxuu ka qeyb galay doorashooyin DKMG ah oo la qabtay sannadihii 2000 iyo 2004-tii, wuxuuna loolan la galay musharrixiintii markaas ka qeyb galay.

7.Dr C/raxmaan Maxamed Baadiyoow: Waa aqoonyahan muddo degganaa waddanka Kanada. Wuxuu sarkaal sare ka soo noqday ciidankii xoogga dalka ilaa uu iskiis uga tagey siddeetameeyadii. Wuxuu xubin ka yahay urur diimeedka la yiraahdo “Al-islaax.” Wuxuu ka mid yahay aasaasayaashii jaamacadda Muqdisho oo haddana waxa uu ku jiraa Guddiga Sare ee Jaamacadda. Wuxuu ka soo shaqeeyey hay’ado badan oo ah kuwa samafalka reer Galbeedka ee Muqdisho ka hawlgala. Dr C/raxmaan Baadiyoow waa nin lagu yaqaanno qunyar-socod; wuxuu olole weyn ka wadaa magaalada Muqdisho iyo aaladda intarnetka.

8.Maslax Maxamed Siyaad: Waa nin injineer iyo Generaal ah oo uu dhalay Madaxweynihii hore (AUN) Maxamed Siyaad Barre. Maslax xilal kala duwan ayuu ka soo qabtay dowladdii kacaanka. Hadda wuxuu guddoomiye u yahay xisbiga “DPS” oo uu fadhigiisu yahay Nairobi. Maslax wuxuu ka mid ahaa raggii sida aadka ah u fir-fircoonaa ee dowladdii kacaanka. Wuxuu loollan adag la galay Shiikh Shariif Shiikh Axmed doorashadii ka dhacday dalka Jabuuti ee sannadkii 2009. Maslax olole weyn buu hadda ka wadaa Nairobi laakiin wax dhaq dhaqaaq ah kama wado magaalada Muqdisho iyo dhamaan dalka oo dhan.

9.C/raxmaan C/shakuur Warsame: Waa aqoonyahan deggan waddanka Ingiriiska ama UK. Wuxuu ka tirsan yahay DKMG iyo baarlamaanka hadda jira. Wuxuu siyaasadda ku soo biiray shirkii Casmara ee midowkii Maxaakiinta isagoo markaas ka dib xubin fir-fircoon ka noqday. Xukuumaddii Cumar C/rashiid Cali Sharmaake wuxuu ka noqday wasiirka qorsheynta iyo xiriirka caalamka. C/shakuur waxaa lagu xasuustaa saxiixii heshiiskii is-afgaradka ee dhinaca badda ee dhex maray Kenya iyo Soomaaliya, laakiin shacabka Soomaaliyeed intooda badan waxay u fahmeen heshiiskii badda Soomaaliya looga iibiyey Kenya. C/shakuur waxay sumcaddiisii hoos u dhacday wixii ka dambeeyey heshiiskaas. C/shakuur wuxuu saaxiibtinnimo dhow la lahaa Madexweyne Shariif Shiikh Axmed laakiin waayahaan dambe iskuma fiicna.

10.Jaamac Cali Jaamac: Waa siyaasi weyn oo ka mid ahaa baarlamaankii Mbagati lagu dhisay sannadkii 2004-tii. Shirkii Casmara door weyn buu Jaamac ku lahaa. Sannadkii 2002, Jaamac Cali Jaamac wuxuu si sharci ah ku noqday madexweynihii Puntland, hase yeeshee wax yar ka dib waxaa laga war helay in uu C/laahi Yuusuf oo taageero malatari ka heley Itoobiya ka cayriyey Puntland. Waa oday waddani ah oo jecel midnimo Somaali weyn. Wuxuu aad u dhaliilaa dhibaatooyinka dowlada Itoobiya, ciidamada AMISOM, iyo Soomaalida daba-dhilifka ah ee nabadda hor taagan.

11.Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacmadheere): Gacmadheere waa xildhibaan caan ah oo ka tirsanaa baarlamaanka ilaa 2004-tii. Mar wuxuu soo noqday wasiirkii arrimaha gudaha ee xukuumaddii Cali Geeddi. Waxaa lagu xusuustaa in uusan ka hadli jirin dhibaatada ay Itoobiya ka wadday koonfurta Muqdisho. Gacmadheere ma aha nin loollan siyaasadeed iminka ka wada Muqdisho ama Soomaaliya inteeda kale. Sidoo kale xiriir fiican lama laha odoyaasha dhaqanka ee Muqdisho.

12.Xuseen Khaliif Xaaji Jaamac: Waa aqoonyahan deggan dalka Sucuudiga. Wuxuu waqti dheer degganaa dalka Kanada. Wuxuu hadda ka shaqeeyaa Bangiga Islaamka ee Riyaad ku yaalla. Wuxuu loollan adag kula jiraa R/wasaare C/weli oo ay isku beel ka soo wada jeedaan. Wuxuu marar badan saxaafadda ka sheegay in ay Soomaaliya u baahan tahay hoggaan daacad ah oo aan aheyn “YES MAN” ama qof wax kasta HAYE iska dhaha. Kama war hayno wax xil dowladnimo ah oo uu soo qabtay ama dhibaato uu u geystay Soomaaliya.

13.Dr. Bashiir Nuur Looyaan: Waa aqoonyahan muddo dheer deggan Mareykanka. Horay looguma arag siyaasadda Soomaaliya, laakiin waxa uu jago maareeye guud ah ka soo qabtay wasaaraddii beeraha ee dowladdii kacaanka. Sidoo kale wuxuu ka soo shaqeeyey hay’adda cuntada iyo beeraha ee FAU iyo waddammada Siiralyoon, Gaabboon, iyo kuwa kale . Dr Bashiir oo dhawaan magaalada Nayroobi uga dhawaaqay in uu musharrax yahay ayaa shaaciyey in uu yahay nin aan rabin wax magac iyo maal ah midna, balse hadafkiisu in uu yahay ‘dibudhiska dalka hooyo’. Bashiir wuxuu yiri ‘Shaqadeyda oo ah maamul sare oo aan adduunka meel walba uga goosho oo isla markaana aan soo waday muddo ka badan 15 sano, waxaan rabaa inaan uga tago hal sano ama hal bil oo aan wax u qabto waddankeyga hooyo. Wuxuu tagi doonaa Muqdisho si uu uga sii wato ololihiisa doorashada. Kama war hayno wax ka baxsan xil kale oo dowlad ah oo uu soo qabtay ama dhibaato uu u geystay Soomaaliya.

14.Cumar Sowjar: Waa aqoonyahan deggan waddanka Mareykanka. Wuxuu xoghaye ka yahay ururka Golaha Midowga Qurbajoogta Soomaaliyeed. Cumar Sowhar wax olole ah haatan kama wado caasimada Muqdisho. Kama war hayno wax xil dowladnimo ah oo uu soo qabtay ama dhibaato uu u geystay Soomaaliya.

15.Saciid Ciise Maxamuud: Waa hoggaamiyaha xisbiga “DADKA” oo xaruntiisa tahay Muqdisho. Taariikh dheer oo siyaasadeed ma laha inta aan ka war hayno. Hadda wuxuu taageero ka raadsaday gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaannada Dhuuse Mareeb, Guraceel iyo Ururka Ahlu Sunna. Wuxuu loollan adag kula jiraa C/raxmaan C/shakuur oo ay isku beel ka soo wada jeedaan.

16.C/llaahi Shiikh Xasan: Waa guddoomiyaha xisbiga Nabadda iyo Dimuqraaddiyadda, xuruntiisuna waa Muqdisho. Waa nin sheegta in uu yahay aqoonyahan balse la soo shaqeeyay qaar ka mid ah hoggaamiyo kooxeedyadii hore ee hubeysnaa ee Muqdisho, sida Muuse Suudi Yalaxow iyo Cumar Finish. Wuxuu loollan kula jiraa madexweyne Shariif oo ay isku beel ka soo wada jeedaan.

Waxaa la sheegaa in ay tirada musharrixiintu ka badan tahay 20. Nasiibxumo shabakadda Gelinsoortimes inta kor ku xusan oo keliya ayey faahfaahin ka heshay.

Shirka London iyo Muhimada uu Soomaalida ugu fadhiyo Warbixinta Ayaanle Hussein Abdi
  Inta aanu shirku furmin Talaadada soo socota, waxaa maalin kahor London soo gaaridoona Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo si rasmi ah ay isaga iyo raysil wasaare David Camaron u shir gudoomin doonaan madasha oo siwey 4th May 2013

Raiisul Wasaaraha Britain David Cameron ku baaqay afti in loo qaado xubinimada in Britain ay ka mid ahaato Midowga Yurub.
  23rd Jan 2013

Madaxweynaha Somaliya Oo Kulan La Qaatey Wefdi Ka Socdey IGAD
  16th Oct 2012

Madaxweynaha Soomaaliya oo safakiisii ugu horeeyay ku aaday Uganda
Madaxweynaha Dalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay maanta u ambabaxay Dalka Uganda halkaasi oo uu kaga soo qeyb galayo munaasabada xuska 50 ee kasoo wareegatay markii xoriyada ay qaadatay D 8th Oct 2012

Ciidamada Dowlada oo ku wajahan Degmada Buurhakaba
Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inay kaabiga ku hayaan Degmada Buurhakaba ee Gobolka Baay halkaasi oo la sheegay inay isaga baxeen Alshabaab.   8th Oct 2012